GUDAHA/wararka

Maamulka Cabdiraxmaan Cirro oo culays gudaha & Mid dibadda ah dareemaya

Maamulka Waqooyi Galbeed ee uu hoggaamiyaha u yahay, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro ayaa dareemaya culays xooggan oo ka dhashay Tallaabadii uu 18kii Bishaan u qaaday in uu safaarad ka furto Magaalada Qudus ee Israa’iil xoogga ku haysata.

Mas’uuliyiin katirsan Maamulka Cabdiraxmaan Cirro ayaa sheegay in culayskaan uu sii xooggaystay kolkii ay si toos ah isugu dhiibeen Israa’iil isla markaana uu maamulkaasi shaaciyay in uu aqoonsaday Xukuumadda Benjamin Netanyahu.

Cabdiraxmaan Cirro ayaa xubno katirsan maamulkiisa u sheegay in uu dareemayo culays dibadda ah iyo mid gudaha ah sidaas awgeed loo baahan yahay tallaabooyin uu isaga muusayo cadaadistaas oo saamayn taban ku reebaya jiritaanka Maamulka Waqooyi Galbeed.

16 Dal oo Waddamada Islaamka ah ayaa si toos ah uga hor yimid tallaabada sharci darrada ah ee Maamulka Cabdiraxmaan Cirro uu Israa’iil ugu xalaalaynayo Dhulka ay ka haysato Shacabka Dulman ee Falastiin, waxaana xigi kara tallaabooyin cusub oo ka dhan ah Waqooyi Galbeed.

Dalal badan oo Yurub ah oo dhowaan dib u celiyay mas’uuliyiin xilal ka haya Israa’iil ayaa qudhooda lagu wadaa in ay meel fog ka istaagaan tallaabooyinka aan ka fiirsiga lahayn ee Cabdiraxmaan Cirro qaadayo si uu u kalsooni geliyo Israa’iil.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

MW Suuriya oo shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la gaari doonaan Israa’iil.

Madaxweynaha Suuriya, Ahmed al-Sharaa, ayaa shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la…

1 hour ago

Baarlamaanka Waqooyi Bari oo ansixiyay qaraar ka dhan ah Maamulka Waqooyi Galbeed

Fadhi aan caadi ahayn oo ay maanta magaalada Laascaanood ku yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad goboleedka…

5 hours ago

Masar oo markale garab istaag u muujisay midnimada & Xasiloonida Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Dr Badr Abdelatty ayaa markale ku celiyay in Dowladdiisa ay garab…

8 hours ago

Xukuumadda Netanyahu oo waqti kordhin u samaysay xaaladda ka dhalatay cabsida ay ka qabaan Iiraan

Sida ay ku warrantay Warbaahinta ku hadasha Afka Maamulka Israa’iil, waxaa maalmo dheeraad ah lagu…

9 hours ago

Shirarka looga hadlayo Mustaqbalka AUSSOM oo ka kala socda Muqdisho, Addis Ababa & Kampala

Magaalooyinka Muqdisho, Addis Ababa iyo Kampala waxaa ka socda shirar looga hadlayo Mustaqbalka Howlgalka Midowga…

11 hours ago

Ciyaaryahan Marc Cucurella oo sharaxay sababta uusan u jarayn Tintiisa

Ciyaaryahanka u dhashay Dalka Spain kuna guullaystay Koobka Adduunka 2026 ee lagu magacaabo Marc Cucurella…

11 hours ago