Categories: GUDAHA/wararka

Laamaha amniga oo sheegay iney qabteen Qof Bam ku tuuray Xarunta Garasbaaleey.

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgal Xalay laamaha amniga ay ka sameeyeen Duleedka Koofur Galbeed Magaalada Muqdisho.

Howlgalka ayaa lagu baadi goobayay dhalinyaro hubeysan oo Bambo gacmeed Fiidkii hore ee Xalay ku weeraray Xarunta Maamulka Deegaanka Garasbaaleey, Bambada waxey burburisay derbiga Xarunta, waloow aaney dhalin wax Khasaare ah Nafeed ah.

Gudoomiyaha Deegaanka Garasbaaleey Ibraahim Maxamed Rooble ayaa sheegay in Weerarka kadib laamaha amniga ay ku bexeen wadadii ay ku carareen ragii Bamka tuuray, Waxa uu sheegay iney ku guuleysteen soo qabashada mid kamid ah labadii Dhalinyarada eheyd ee weerarka geysatay.

Waxa uu Gudoomiye Rooble sheegay iney Shabaab ahaayeen kooxaha weerarka ku soo qaaday, ayna ku daba jiraan qofkii kale oo gacanta Hay’adaha amaanka ka baxsaday.

Saraakiil katirsan laamaha amniga ayaa iyaguna dhankooda sheegay iney feejignaayeen Ciidamada, taasoo keentay iney durba gacanta ku soo dhigaan mid kamid ah dableydii weerarka geysatay.

Gudoomiyaha Deegaanka Garasbaaleey ayaa sidoo kale sheegay in saldhiga Galbeed ee Degmada Dharkeynley la geeyay Qofkii howlgalka lagu soo qabtay, halkaasoo Su’aalo lagu weydiinayo.

Mustaqbal media

Recent Posts

Soomaaliya iyo Pakistan oo wada saxiixday heshiis la xiriira dhinaca Amniga iyo Difaaca

Dowladaha Soomaaliya iyo Pakistan ayaa wada saxiixday heshiis Is afgarad ah oo la xiriira Iskaashiga…

28 mins ago

DFS ayaa shaacisay in ay fududeynayso wada hadallo ay yeeshaan Maamulada Waqooyi Galbeed iyo Waqooyi Bari

Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in ay dhiirigalineyso wada hadallo ay yeeshaan Maamulada Waqooyi Bari…

40 mins ago

Dadka Qasa oo maanta Salaada Janaasada ku tukuday 112 ruux oo 3 sano ka dib la helay Meydadkooda

Magaalada Qasa waxay saaka marti galisay aaska iyo janaasada in ka badan 100 ruux oo…

2 hours ago

DFS oo dhammaadka sannadkan soo bandhigeysa Natiijada rasmiga ah ee qodida Shidaalka Ceelka Curad 1

Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed, ayaa xaqiijiyay in…

3 hours ago

MW Xasan Sheekh “Soomaaliya waxa ay u furan tahay in la Maalgashado”

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay u furan tahay…

8 hours ago

Turkiga oo Soomaaliya keenaya Maraakiib Kalluumaysi

Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş oo ka hadlay Shirweynaha 1aad ee Badaha Soomaaliya ayaa…

8 hours ago