Axmed Karaash Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Puntland
Madaxweyne Kuxigeenka Dowladda Puntland, Ahna kusimaha Madaxweynaha Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa magacaabay Guddiga Gurmadka Fatahaadaha Rooobka.
Guddiga gurmadka fatahaadaha Roobka ayaa loo xilsaaray in ay soo qiimeeyaan, isla markaasna warbixino ka soo diyaariyaan baaxadda waxyeelo ee fatahaadaha roobka, ayna wax ka qabtaan waxyeelada ay u geysteen daadadku dadka, xoolaha, wadooyinka, deegaanka iyo saamaynta ay ku reebeen roobabkii ka da’ayey guud ahaan deegaanada Puntland.
Sidoo kale Guddiga gurmadka fatahaadaha Roobka ayaa ka kooban Wasaarado, Hay’addo dowliya, Guddoomiyayaal Gobol iyo Taliska ciidanka Booliska Puntland, waxaana ay leeyihiin Guddoomiye, Guddoomiye Ku-xigeen iyo Xoghayn.
Guddiga ayaa kala ah: –
2. Wasaaradda Hawlaha Guud G/Ku Xigeen
3.Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha Xubin
6.Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Xubin
7.Wasaaradda Deegaanka Xubin
8.Wasaaradda Caafimaadka Xubin
9.Wasaaradda Qorshaynta Xubin
10.Madaxtooyada Xubin
11.Taliska Ciidanka Booliska Xubin
13.Hay’adda PHA Xubin
14.Guddoomiyayaasha Gobolada Xubin
Ugu dambayn, Madaxweyne Ku-xigeenkaPuntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa ku wargeliyey cid kasta oo hawshani khuseyso in ay kala shaqeeyaan gurdiga, isla markaasna u fududeeyaan wixii hawl ah ee ay u baahdaan, si ay ugu fududaato hawsha loo igmaday.
Madaxweynaha Suuriya, Ahmed al-Sharaa, ayaa shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la…
Fadhi aan caadi ahayn oo ay maanta magaalada Laascaanood ku yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad goboleedka…
Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Dr Badr Abdelatty ayaa markale ku celiyay in Dowladdiisa ay garab…
Sida ay ku warrantay Warbaahinta ku hadasha Afka Maamulka Israa’iil, waxaa maalmo dheeraad ah lagu…
Magaalooyinka Muqdisho, Addis Ababa iyo Kampala waxaa ka socda shirar looga hadlayo Mustaqbalka Howlgalka Midowga…
Ciyaaryahanka u dhashay Dalka Spain kuna guullaystay Koobka Adduunka 2026 ee lagu magacaabo Marc Cucurella…