GUDAHA/wararka

Kulanka RW Rooble & xubno kamid ah hormuudka Warbaahinta! Baratanka Siyaasadda & Saxaafadda!

Todobo qof oo kamid ah hormuudka Warbaahinta magaalada Muqdisho ayaa kaqaybgashay kulanka RW Rooble iyo madaxda xarumaha Warbaahinta, xafiisyada kulamada gaarka ah ee dhismaha XRW midkood ayuu kadhacay Shirku, laba xubnood oo kamid ah kooxda xiriirka iyo Warbaahinta oo fududeyneysay kulanka ayaa nala socday, Ra’isalwasaare Rooble oo buug iyo Qalin gacanta ku haysta  iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir  Cumar Finish ayaa sii fadhiyey Hoolka! aad ayuu u degganaa una diyaarsanaa muuqaal ahaan.

Salaan iyo isbarasho kaddib waxa aan u sheegnay arrimaha waawyen ee ku taagan Warbaahinta oo qaybya-tirka xeerka Warbaahintu ugu horreeyo, qaarkeen oo malaha u duur-xulayey waxa ay kusoo qaadeen muranka ka taagan siyaasadda iyo doorashooyinka madaxtooyada iyo Baarlamaanka! si degen ayuus u dhegeystay! waxa uu u ekaa Siyaasi isu sii diyaariyey in uu farriimihiisa ku gudbiyo dhowr daqiiqo! hayeeshee kulankan waxa ugu xigay kulanka golaha Wasiirada, kahorna waxa uu kayimid kulanka guddiga doorashooyinka dadban, sidaas awgeed waxa uu kujiray degdeg aan saamixi Karin in lagala hadlo dhammaan waxa loo baahan yahay.

Waxa uu muujiyey sida ay isaga iyo xukuumaddiisaba uga go’an tahay illaalinta madaxbannaanida iyo xorriyadda saxaafadda, waxa uu ka sheekeeyey waaya-aragnimadiisa Waxtarka madaxbannaanida Warbaahinta iyo sida uu ugu darban yahay la falgelidda saxaafad madax-bannaan oo mas’uul ah!

Arrinta Wasiiro kamid ah xukuumaddu la wadaagayaan Warbaahinta ee ku aaddan sida xukuumaddu u aragto mucaaradka iyo Oddoroska Waalan ee natiijada doorashada madaxweynaha ayaa lagu soo qaaday! Kaddibna si laab furan ayuu u hadlay!  waxa uu si duurxul ah u sarbeebay dad uu ku sheegay in ay dalka beeciyeen! Hantida dowladdana gadeen! Xalka Warbaahintuna xarig u yahay in ay bannaanka taagan yihiin oo ay rabaan in ay qabtaan talada waddanka markaasna aan Warbaahin ahaan kujirno khasaaro ay adag tahay in laga soo kabto! Waxa uu sheegay in ay Waajib nagu tahay in aan carruurteena  u damqano oo aan kala aqoonsano cidda aan taageereyno iyo cidda ay tahay in aan lagu caawin damacooda siyaasadeed! go’aankana waxa uu sheegay in aan leenahay.

Doodda kataagan Guddiga doorashooyinka iyo waxa kajira in xubno kamid ah hay’adda Nabadsugiddu ay kujiraan oo kamid ahayd arrimaha ugu kulul ee lagu soo qaaday  ayuu soo qabsaday, sababta looga doodayo guddiga iyo sida ay la tahay ayuu sheegay, sida uu ugu kalsoon yahay waxa uu sheegayana illaa xad waxa uu iskudeyey in uu muujiyo! Inta si fiican isu qummaatiyey ayuu yiri:

“Maya! Ma jirto waa hubaa, adinkuna soo baara, keena haddii aad ogtihiin!

Arrinta guddiga maamulaya doorashada Somaliland ayuu kahadlay

“Marka Koowaad Alle ka baqa! Marka labaad hubiya warka loo sheegayo dadweynaha, fiiriya qodobka 3aad ee Habraaca Hirgalinta Heshiiska Siyaasadeed ee Hagaya Doorashada2020/2021 ee heer Federaal, qodobkaas waxaa ku qoran in Guddiga Maamulaya Doorashada Soomaaliland ay soo magacawdo Xukumadda DF ka ah iyagoo la-tashanaya Siyaasiyiinta kasoo jeeda Soomailand, la tashigii waa sameynay, bal adigu 8 xubnood u qaybi 50 xildhibaan, kii waaya waxa uu leeyahay gaw iyo gash dhihimeyso”

Waqtiga ayaa ka dhammaaday……

Kulanka RW Kheyre & Warbaahinta

General Editor

Recent Posts

Shiinaha oo sheegay inuu garab taagan yahay ilaalinta Midnimada iyo Madaxbannaanid Soomaaliya

Shiinaha ayaa mar kale muujiyay taageerada uu u hayo ilaalinta midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed…

11 hours ago

BFS oo joojiyay lacagihii Xildhibaannada looga jari jiray aaska Xildhibaanka dhinta

Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa joojiyay lacag dhan $100 oo Xildhibaannada looga jari…

15 hours ago

Turkiga oo 2027 Soomaaliya ka diraya Dayax gacmeed

Dowladda Turkiga ayaa qorsheyneysa in sannadka soo socda 2027 ay Soomaaliya ka dirto Dayax gacmeed…

16 hours ago

Kooxaha Burcad Badeedda Soomaalida oo sii daayay Markab u afduubnaa

Kooxaha Burcad Badeedda Soomaalida ayaa sii daayay Markab u afduubnaa sida ay ku warrameen ilo…

17 hours ago

Waa kuma Danjiraha Cusub ee Turkiga ee xilka kala wareegaya Alper Aktaş?

Alper Aktaş oo ahaa Danjirihii Turkiga ee Soomaaliya 2024 ilaa 2026 ayaa laga sagootiyay Magaalada…

17 hours ago

Golaha Ammaanka oo kordhiyay Cunaqabaynta hubka ee saaran Gobolka Daarfuur

15ka xubnood ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa u codeeyay qaraar lagu waqti dheereynayo…

18 hours ago