Dowladda Kosovo ayaa sheegtay in ay safaarad ka furaneyso Magaalada Muqdisho iyada oo Soomaaliya uga mahad celisay garab istaagga Soomaaliya ee Kosov.
Ra’isalwasaare ku xigeenka ahna Wasiirka arrimaha dibadda Kosovo Behgjet Pacolli oo kulan la qaatay Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, ayaa waxaa uu xaqiijiyay in safaaraddooda ay ka furanayaan Muqdisho.
Behgjet Pacolli, ayaa sheegay in Soomaaliya ay Kosovo ku leedahay abaal weyn si abaalkaas ay Kosovo u bixisana ay ku billaabeyso furashada safaaradda Kosovo ee Muqdisho.
Kosovo oo 2008dii ka go’ay Seerbiya waxaa aqoonsan dalal ku dhow boqol oo ay ka mid tahay Soomaaliya,waxaana ugu weyn Ruushka.
Wasiir Behgjet Pacolli,ayaa sheegay in dalkiisa uu garab istaag iyo aqoonsi ka helay Soomaaliya xilligii ugu adkaa,waxaana uu xusay in xiriirka labada dal hadda la dhisayo.
Soomaaliya waxaa ay ahayd dalkii 67aad ee aqoonsaday Kosovo,taas oo hadda heysata aqoonsiga 117 dal oo ka mid ah kuwa Caalamka.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi u badan Wasiiro katirsan Xukuumaddiisa…
Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan gaar ahaan inta u dhaxaysa Maxaas iyo Teedaan ayaa kusoo…
Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…
Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…
Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…