GUDAHA/wararka

Khilaafka ka dhex jira hoggaanka & Siyaasiyiinta Maamulka Waqooyi Galbeed oo gilgilay Deegaannada Maamulkaas

Hadallada adag ay is dhaafsadeen Hoggaamiyaha Maamulka Waqooyi Galbeed, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro iyo Hoggaamiyihii uu xilkaan kala wareegay, Muuse Biixi Cabdi ayaa dhaliyay guux siyaasad iyo hadal hayn xooggan.

Sida ay Mustaqbal u sheegeen ilo kala duwan oo ku sugan deegaannada Maamulka Waqooyi Galbeed, eedaha ka yimid Cabdiraxmaan Cirro uuna ku difaayo culayska uga imaanaya xubnaha kasoo horjeeda ayaa dhaliyay hadal hayn cusub.

Taageerayasha Muuse Biixi Cabdi iyo xubno kale oo kasoo horjeeda safarkii Cabdiraxmaan Cirro uu ku tagay Dhulka ay xoogga ku haysato Israa’iil oo muddooyinkii dambe afka laga hayay ayaa billaabay in ay si toos ah u dhaliilaan Hoggaamiye Cirro.

Baraha Bulshada waxaa ka socda dagaal cidiyo ku dirir ah oo u dhaxeeya Taageerayasha Cabdiraxmaan Cirro iyo Muuse Biixi, tani waxaa loo arkaa in ay soo dadejinayo rabshado siyaasadeed maadaama hoggaamiyaha haatan xilka haya la  hordhigay su’aalo uu ka gaabsanayo in uu ka jawaabo sida sababta uu u qariyay safarkiisii qudus & kuwo kale.

Cirro ayaa Muuse Biixi iyo dadka kale ee aragtiisa kasoo horjeeda ku tilmaamay kuwa diidan ictiraafka ka yimid Israa’iil, balse waxaa jawaab ka bixiyay qaar kamid ah Dadkaas oo sheegay in Hoggaamiye Cabdiraxmaan aanay soo bandhigin heshiiska uu la galay Maamulka Netanyahu oo qudhiisa aqoonsi haysan.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gogol wada hadal u fidiyay dhammaan Siyaasiyiinta dalka

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta khudbad uu jeediyay kaga hadlay xaaladda guud ee dalka…

6 hours ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo isbeddel ku sameeyay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa isbeddel ku sameeyay hoggaanka Ciidanka Xoogga Dalka…

6 hours ago

Dowladda Soomaaliya oo maanta degmada Ceelbarde kula la wareegtay 220 Askari

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool kula la wareegtay 220 Askari oo…

9 hours ago

Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in ay howlgallo Militeri ka billaawday Koofur Galbeed

Ciidamada Militeriga Soomaaliya gaar ahaan kumaandooska Danab ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgallo ka wada…

11 hours ago

Maxay ka dhigan tahay in Shirkadaha Korontada ay sameeyaan qiimo kordhin?

Shirkadaha Korontada ee Magaalada Muqdisho ayaa ku dhawaaqay in ay kordhiyeen qiimaha ay ku dhuftaan…

14 hours ago

Nuxurka Khudbadda Deni uu ka jeediyay furitaanka Kalfadhiga 59aad ee Golaha Wakiillada DG Puntland

Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo furay kalfadhiga 59aad ee Golaha Wakiillada Maamulkaas ayaa…

16 hours ago