GUDAHA/wararka

Kenya oo baaris ku bilawday sababta ridday diyaarad u adeegta Militariga ka jooga Soomaaliya.

Sida ay daabacdayWarbaahinta gudaha Kenya, Xukuumadda Nairobi ayaa guddi u xilsaartay in ay kasoo salgaaraan diyaarad military gaar ahaan nuuca qumaatiga u kaca oo u adeegi jirtay Militariga ka jooga Soomaaliya.

Diyaaradda ayaa soo dhacday Isniintii shalay, waxaana ku geeriyootay labo ruux oo ahaa Duulliye iyo caawiyihiisa oo xiligaas ku guda jiray mid kamid ah safarada loo qorsheeyay in ay sameeyaan.

Nuuca diyaaradda waa hughes 500M, waxa ay si gaar ah ugu diiwaangashaneed Waaxda difaaca Kenya oo xamuul ahaan agabka ciidamada u qaadi jirtay, halka mararka qaar lagu daad-gureyn jiray Askarta.

Kenya ma sheegin sababta keentay in ay dhacdo diyaaraddaan oo burburtay, balse Warbaahinta Maxaliga ah ayaa warisay in ay kusoo dhacday deegaanka Kithyoko ismaamulka Machakos ee dalka Kenya.

Karanja Muiruri oo kamid ah saraakiisha ciidamadda ee ku sugan Machako ayaa sheegay in ay arkeen diyaaradda oo dhacday, isla markaana ay ku geeriyoodeen duulliyaashii saarnaa, balse xogta intaas ka badan ma uusan bixin.

Khubaro ka socda Dowladda Kenya ayaa gaaray deegaanka diyaaraddu ay ku dhacday, waxa ay bilaabeen baaris ay uga daba-tagayaan xaqiiqada sababta keentay in ay dhacdo diyaaraddaan oo kamid ah diyaarado Kenya dhawaan heshay si ay ugu adeegsato la dagaalanka waxa loogu yeeray Argagixisada.

MM Editor

Recent Posts

MW Suuriya oo shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la gaari doonaan Israa’iil.

Madaxweynaha Suuriya, Ahmed al-Sharaa, ayaa shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la…

2 hours ago

Baarlamaanka Waqooyi Bari oo ansixiyay qaraar ka dhan ah Maamulka Waqooyi Galbeed

Fadhi aan caadi ahayn oo ay maanta magaalada Laascaanood ku yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad goboleedka…

5 hours ago

Masar oo markale garab istaag u muujisay midnimada & Xasiloonida Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Dr Badr Abdelatty ayaa markale ku celiyay in Dowladdiisa ay garab…

9 hours ago

Xukuumadda Netanyahu oo waqti kordhin u samaysay xaaladda ka dhalatay cabsida ay ka qabaan Iiraan

Sida ay ku warrantay Warbaahinta ku hadasha Afka Maamulka Israa’iil, waxaa maalmo dheeraad ah lagu…

10 hours ago

Shirarka looga hadlayo Mustaqbalka AUSSOM oo ka kala socda Muqdisho, Addis Ababa & Kampala

Magaalooyinka Muqdisho, Addis Ababa iyo Kampala waxaa ka socda shirar looga hadlayo Mustaqbalka Howlgalka Midowga…

11 hours ago

Ciyaaryahan Marc Cucurella oo sharaxay sababta uusan u jarayn Tintiisa

Ciyaaryahanka u dhashay Dalka Spain kuna guullaystay Koobka Adduunka 2026 ee lagu magacaabo Marc Cucurella…

11 hours ago