Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ayaa daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda (SNAIC), oo ah xarun loogu talagalay horumarinta cilmi-baarista, waxbarashada, hal-abuurka iyo dhisidda awoodda aqooneed ee Garaad Gacmeedka.
Munaasabadda daahfurka waxaa ka soo qayb galay mas’uuliyiin ka socday qaar kamid ah hay’adaha dowladda, jaamacadaha dalka, bahda tacliinta sare, khubaro dhanka teknoolojiyadda iyo Garaad Gacmeedka ah, iyo daneeyayaal kale.
Xaruntu waxay noqon doontaa xarunta hormuudka u ah Jaamacadda ee horumarinta Garaad Gacmeedka, iyadoo taageeraysa horumarinta xalal maxalli ah oo ka qayb qaadanaya horumarka qaranka iyo isbeddelka dhijitaalka ah.
Xaruntu waxay diiradda saari doontaa horumarinta cilmi-baarista, kobcinta tayada khubarada Soomaaliyeed, taageeridda hal-abuurka, ka qayb qaadashada dejinta siyaasadaha iyo hannaanka maamul ee Garaad Gacmeedka, iyo xoojinta iskaashiyada kor u qaadaya horumarinta mas’uuliyadda leh ee Garaad Gacmeedka.
Sidoo kale hawlaheedu waxay dabooli doonaan dhinacyada muhiimka ah ee cilmi-baarista, oo ay ka mid yihiin isbarid mashiinnada, habaynta afafka (luuqadaha) dabiiciga ah, cilmiga xogta, Aragga Kombiyuutarka, robotiyada, iyo anshaxa Garaad Gacmeedka, iyadoo kor u qaadaysa adeegsiga teknoolojiyaddan ee waxbarashada, caafimaadka, beeraha, maamulka iyo koboca dhaqaalaha.
Xaruntu waxay sidoo kale bixin doontaa barnaamijyo tacliimeed, tababbarro xirfadeed, hindiseyaal cilmi-baaris iyo hawlo hal-abuur oo loogu talagalay in lagu kobciyo aqoonta iyo xirfadaha ardayda, cilmi-baarayaasha iyo xirfadlayaasha si ay uga faa’iidaystaan Garaad Gacmeedka, ugana qayb qaataan horumarka qaranka.
Mustaqbal
Dowladda Canada ayaa war cusub ka soo saartay geerida Cabdiraxmaan Cabdi oo ahaa muwaadin Soomaali-Canadian…
Madaxweynaha Suuriya, Ahmed al-Sharaa, ayaa shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la…
Fadhi aan caadi ahayn oo ay maanta magaalada Laascaanood ku yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad goboleedka…
Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Dr Badr Abdelatty ayaa markale ku celiyay in Dowladdiisa ay garab…
Sida ay ku warrantay Warbaahinta ku hadasha Afka Maamulka Israa’iil, waxaa maalmo dheeraad ah lagu…
Magaalooyinka Muqdisho, Addis Ababa iyo Kampala waxaa ka socda shirar looga hadlayo Mustaqbalka Howlgalka Midowga…