Itoobiya oo marti gelineysa shir ay ku wadahadlayaan dowladda dhexe iyo Somaliland

Ra’isalwasaaraha Dalka Itoobiya Abiye Axmed ayaa sheegay in dowladdiisa ay dhex dhexaadineyso wadahadalka dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland.

Abiye Axmed ayaa ka war sugaya wafddigii Midowga Yurub ee dhawaan tagay Magaalada Hargesa kuwaas oo la kulmay madaxda Somaliland.

Midowga Yurub ayaa lagu wadaa in uu fududeeyo wadahadalka iyo miisaaniyadda ku baxeysa iyada oo dowladda Itoobiyana ay dhex dhexaadineyso.

Ra’isalwasaaraha Itoobiya ayaa magaalada Jigjiga ka sheegay Todobaadkii hore in sida ugu dhaqsiyaha badan u billaabanayaan wadahadalka dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland.

Waxaa uu sheegay in Itoobiya ay ka go’antahay nabadda geeska Afrika dowladdiisa ay waqti iyo dadaal dheeraad ah ku bixineyso.

Abiye ayaa yiri “sidii aad iga dalbateen sanadkii hore markii aan halkan imid,waxaa hadda dhow in aan ka shaqeyno xasiloonida Somaliya, sidaas darteed annaga iyo Midowga Yurub ayaa ku howllan sidii aan u dhameyn laheyn khilaafka dowladda dhexe iyo Somaliland”.

Web master

Recent Posts

RW Xamsa Cabdi Barre oo gaaray Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi u badan Wasiiro katirsan Xukuumaddiisa…

3 hours ago

Ciidamada DFS & ‘AS’ oo ku dagaalamaya Gobolka Hiiraan

Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan gaar ahaan inta u dhaxaysa Maxaas iyo Teedaan ayaa kusoo…

4 hours ago

Dagaalka u dhaxeeya Ciidanka Federaalka Itoobiya & kuwa TPLF oo sii xooggaystay

Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…

7 hours ago

Maxaa baddelay go’aankii Trump uu ku shaaciyay in uu duullaan ku qaadayo Iiraan?

Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…

7 hours ago

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo maanta ku wajahan Magaalada Magaalada Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…

7 hours ago

Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda

Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…

18 hours ago