GUDAHA/wararka

Israa’iil oo sheegtay in XMS ay markale ku qiyaantay mayd ay ku wareejisay oo noqday Muwaadin Tanzaaniyaan ah

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil ayaa war uu soosaaray waxa uu ku sheegay in maydadkii Arbacadii lagu wareejiyay uu ku jiray muwaadin u dhashay Dalka Tanzania isla markaana deegaannada ay haystaan uu ku baranayay culuumta beeraha.

Benjamin Netanyahu oo ku fashilmay sidii uu xoog ugu soo furan lahaa Maxaabiista nool iyo kuwa dhintay ee gacanta Xamaas ku dhacday balse ugu dambayn la huri waayay wadahadal iyo maxaabiis is dhaafsi lagu wareejiyay dadkaas laga hayo.

Ninka Naxashka laga helay ee aanay u dhalan Israa’iil waxaa magaciisa lagu sheegay Joshua Levitu Molel, waxaa laga qabtay Kibbutz Nir Oz ee 7dii Oktoobar 2023 weerarka cajiibka ah Xamaas ugu suuragashay in ay dad badan kusoo qafaalato.

Israa’iil ayaa layaabtay qorshaha marba marka ka dambeeya ee Xamaas lasoo baxayso, maalin kahor waxaa la marin habaabiyay sirdoonka Yuhuudda oo adeegsanaya diyaarado iyo dayax gacmeed ayaa isku dayay in ay arkaan godadka dadka laga soosaarayo balse ma suuragelin.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Dowladda Canada oo 10 sano ka dib war cusub ka soo saartay geerida Cabdiraxmaan Cabdi

Dowladda Canada ayaa war cusub ka soo saartay geerida Cabdiraxmaan Cabdi oo ahaa muwaadin Soomaali-Canadian…

4 hours ago

MW Suuriya oo shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la gaari doonaan Israa’iil.

Madaxweynaha Suuriya, Ahmed al-Sharaa, ayaa shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la…

9 hours ago

Baarlamaanka Waqooyi Bari oo ansixiyay qaraar ka dhan ah Maamulka Waqooyi Galbeed

Fadhi aan caadi ahayn oo ay maanta magaalada Laascaanood ku yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad goboleedka…

13 hours ago

Masar oo markale garab istaag u muujisay midnimada & Xasiloonida Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Dr Badr Abdelatty ayaa markale ku celiyay in Dowladdiisa ay garab…

16 hours ago

Xukuumadda Netanyahu oo waqti kordhin u samaysay xaaladda ka dhalatay cabsida ay ka qabaan Iiraan

Sida ay ku warrantay Warbaahinta ku hadasha Afka Maamulka Israa’iil, waxaa maalmo dheeraad ah lagu…

18 hours ago

Shirarka looga hadlayo Mustaqbalka AUSSOM oo ka kala socda Muqdisho, Addis Ababa & Kampala

Magaalooyinka Muqdisho, Addis Ababa iyo Kampala waxaa ka socda shirar looga hadlayo Mustaqbalka Howlgalka Midowga…

19 hours ago