GUDAHA/wararka

Indonesia oo Soomaaliya u tababareysa Ciidamo Booliis ah

Dalka Indonesia ayaa Soomaaliya ka caawinaya tababar la siiyo ciidamada Booliiska oo mas’uuliyad weyn ka saaran amniga, sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS Cabdisalaam Cabdi Cali oo la kulmay dhiggiisa.

Wasiir Cabdisalaam oo Warbaahinta la hadlay kaddib markii uu soo idlaaday kulankaas ayaa sheegay in tani ay fursad u tahay dhinaca xoojinta nabadgalyada iyo shaqooyinka ay hayaan ciidamada Booliiska oo u baahan taageero dheeraad ah.

“Wasiirka waxa aan kawada hadalnay tababarka Ciidamada Booliiska, waa fursad aad u weyn marka la eego dhinaca Amniga” Cabdisalaam Cabdi Cali, Wasiirka Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shirkiisa jaraa’id kusoo hadal qaaday in dhiggiisa ay kawada hadleen xoojinta Diblumaasiyadda, Arrimaha Sirdoonka, Deeqaha Waxbarashada & Isdhaafsiga Ganacsiga.

 “Soomaaliya & Indonesia waxaa ka dhaxeeya xiriir aad u qoto dheer laga soo billaabo bartamihii lexdan-meeyadii, waxa ay kuwa jiraan Qaramada Midoobay, Ururka Iskaashiga Islaamka iyo meelo kala duwan, Badeecado laga keenno Indonesia ayaa loo iib keenna Dalkeenna” Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Cabdisalaam Cabdi Cali, Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS ayaa sheegay in Soomaaliya dhibaato weyn ku tahay xaalufinta khayraatka dhinaca Badda, waxa uu Xukuumadda Jakarta ka rajeeyay in ay doorkeeda ka qaadato sidii loo xoojin lahaa ciidamada sugaya amniga Biyaha Soomaaliya.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

MW Xasan Sheekh “Soomaaliya waxa ay u furan tahay in la Maalgashado”

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay u furan tahay…

3 hours ago

Turkiga oo Soomaaliya keenaya Maraakiib Kalluumaysi

Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş oo ka hadlay Shirweynaha 1aad ee Badaha Soomaaliya ayaa…

3 hours ago

MW Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta furaya Shirweynaha Badaha Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furaya shirweynaha 1aad Badaha Soomaaliya oo…

5 hours ago

Kooxo hubaysan oo ku dagaalamay mid kamid ah Xarumaha Shidaalka ee Liibiya

Magaalada Zawiya ee qiyaastii 45ta Kiilo-mitir dhinaca Galbeed uga beegan Caasimadda Liibiya ee Tripoli waxaa…

5 hours ago

RW Xamsa oo bogaadiyay isbaddelka uu sameeyay Maamulka Waqooyi Bari

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay tallaabooyinka Amni, Dib u dhis…

5 hours ago

Kenya oo kordhinaysa Ciidamada ka jooga deegaannada xiga Soomaaliya

Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…

19 hours ago