Dibadbaxyo looga soo horjeeday go’doonka Israa’iil ay gelisay Magaalada Gaza isla markaana arrintaas darteed ay u nafwaayeen Dad badan oo waayay cunto iyo biyo ay cabaan ayaa ka dhacay 12 Dal oo ku kala yaalla Qaaradaha Yurub, Aasiya iyo Afrika.
Dadka dibadbaxyada dhigay waxa ay isugu jireen Carab iyo kuwo kale oo reer Yurub ah, sababta isusoo baxooda ka dambeysa ayay ku sheegeen in ay u adkeysan waayeen xaaladaha adag ee ee Magaalada Gaza ka taagan.
Waxa ay soo jeediyeen in la joogo waqtigii Israa’iil lagu qasbi lahaa in ay kahor wareegto si loo gaarsiiyo Dadka u baahan ee u dhimanaya cunno la’aanta darran ee xitaa sababtay in ay u geeriyoodaan macluul.
Dalalka Dibadbaxyada isku midka ah ay ka dhaceen ayaa kala ah: Morocco, Tunisia, Italy, France, Britain, Norway, Sweden, Germany, Denmark, Australia, Indonesia & Malaysia, si wadajir ah ayay usoo jeediyeen in colaadda taagan xal loo helo.
Waxaa jirta cabsi ka dhalatay suurtagalnimada in ay sii xooggeystaan bannaanbaxyada culeyska lagu saarayo Israa’iil iyo Dalalka xulufada la ah ee hortaagan Gargaarka bani aadamnimo ee loo qorsheeyay in loo qaybiyo reer Gaza.
Mustaqbal
Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in ay diirada saareyso dagaalka ka dhanka ah As, iyadoo qeyb…
Maamulka Jubbaland ayaa war kasoo saaray dagaalkii saakay ka dhacay Bariga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka…
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Warshado waa weyn oo kaalin muhiim ah ka qaata…
War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dowladda…
War kasoo baxay Booliiska Maamulka Puntland ayaa lagu sheegay in ciidamada maamulkaas ay si buuxda…
Shil gaari oo sababay dhimashada hal qof ayaa saakay ka dhacay afaafka hore ee Xerada…