War kasoo baxay ciidanka Ilaalada Kacaanka Iiraan ayaa lagu sheegay in labo markab oo Maraykanka uu leeyahay la beegsaday isla markaana la burburiyay kaddib markii howlgal ku socday jiho saxan lagu bartilmaameedsaday.
Iiraan ayaa digniin u dirtay maraakiibta uu Maraykanka iska soo hormarinayo si ay u gudbaan Marinka Hormuz, waxaana ay ciidanka Ilaalada kacaanku shaaciyeen in ay ka war qabaan xogaha la xiriira dhaqdhaqaaqa dhinaca badda.
Tehran ayaa ku dhawaaqday in ay kordhisay howlgallada ka dhanka ah dhinaca badda iyada oo muujinaysa awooddeeda Marinka Hormuz oo horay Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump uu ku dhawaaqay in marinkaas uu yahay dhul kamid ah Ameerika.
Ma jiro war kasoo baxay Maraykanka oo lagu faahfaahiyay howlgalka lagu beegsaday labada Markab ee Iiraan ay shaacisay in ay burburisay, waxa ay tani kusoo beegmaysa saacado kahor markii Tehran ay sheegtay in ay burburisay diyaarado dagaal oo Washington ay leedahay.
Mustaqbal
Shiinaha ayaa mar kale muujiyay taageerada uu u hayo ilaalinta midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed…
Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa joojiyay lacag dhan $100 oo Xildhibaannada looga jari…
Dowladda Turkiga ayaa qorsheyneysa in sannadka soo socda 2027 ay Soomaaliya ka dirto Dayax gacmeed…
Kooxaha Burcad Badeedda Soomaalida ayaa sii daayay Markab u afduubnaa sida ay ku warrameen ilo…
Alper Aktaş oo ahaa Danjirihii Turkiga ee Soomaaliya 2024 ilaa 2026 ayaa laga sagootiyay Magaalada…
15ka xubnood ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa u codeeyay qaraar lagu waqti dheereynayo…