Categories: ARAGTIDA DADWAYNAHA

Igu Sawir Odayga gaaban.

WQ: Prof: Yaxye Caamir.

Igu Sawir Odayga gaaban, haddii aan la hureeyn in Odayga la isku sawiro walba hala Fadhiisto.kkkkk.

Maxaad Ka taqaan Odayga gaaban? Kuwa isku Sawirayo ha ogaadeen. Amb.Donald Yukio Yamamoto. Saqiir ma ahan waa 66 jir Ku dhashay Washington 1953. Waxna Ku bartay Jamacadda Columbia University. 1980 ayuu bilaabay Arrimaha Deplomasiyada.

Yamamoto iyo Farmaajo

Odaygu waa khabiir, waxa uu Ka Soo shaqeeyay Kabul- Afghanistan, waxa uu aad u yaqaan Geeska Afrika, waxa uu Safiir Ka Soo noqday Dalka Eritrea 1993-1997. Kadibna Safiir Dalka Jabuti 2000-2003. Kadibna George W.Bish ayaa u magacaabay in uu Safiir Ka noqdo Dalka Ethiopia Nov. 2006, kadibna warqadihii Aqoonsiga ayaa waxaa Ka gudoomay Mr.Meles Zenawi Dec.6-2006. kadibna waxaa loo magacaabay wakiilka Arrimaha Africa ee Mareykanka 3/Sept.2017- July 23.2018. ugu dambeyna Mr. Trump ayaa u magacaabay Safiirka Somalia Nov.17. 2018.

Yamamoto iyo Muuse Biixi

Odayga gaaban, waxa ey aad isku yaqiineen Nin kale oo gaaban oo aad taqaan waa Mr.Gabre. waxaa la sheegaa in Odaygu uu aaminsan yahay in la mideeyo Wadamada Geeska Afrika Lana hoos geeyo Ethiopia oo ah Dowlada ugu weyn, waxaase wareer Ka jiraa sidee?.

Wareer Uma yaro Labada Quwadood ee waaweey ee Mareykanka iyo Somaliya!. Hore ayeey 1992 Hogaamiyayaasha Labada Dal ugu dagaalameen Somaliya dhaxdeeda, Haddana America Dhaxdeeda ayaa waxaa Ku dagaalamaya, Ms.Ilhaan Cumar iyo Trump.

Xaaf, Deni, Yamamoto iyo Axmed Madoobe.

Odayga gaaban inta Aadan isku Sawirin wax badan Ka sii ogaaw Siyaasiga Somaliga ahoow, waxaa Jira Baabuur Coverka Dal lagu sameeyay, Engine-kana Dal kale lagu sameeyay, Odayga Cover ( Bata Lamayeeriga) waa Asiyaan, waxaana Saaran Mashiin Mareykan ah, hala yaabin, Horaa Labada Quwadood ee waaweyn ee Mareykanka iyo Somalia waxaa Soo maray Hogaamiyayaal Cover- Ka Afrikaan Ka ah, Mashiin mareykanna saaranyahay,Obama iyo Farmajo.

Odayga gaaban, Ciyaar Ciyaar ha u maleeyn, intaadan isku sawirin, Danta Dalkaaga iyo Dadkaaga ha hilmaaminina Hogaamiyayaasha Somalidoow.

Waa iga Talo, wixii Ka khaldan Ka sax

Dhammaan maqaalada ku xusan halkan kama turjumayaan aragtida Mustaqbal waxa ay  gaar u yihiin Qoraaga

Web master

Recent Posts

DFS oo dhammaadka sannadkan soo bandhigeysa Natiijada rasmiga ah ee qodida Shidaalka Ceelka Curad 1

Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed, ayaa xaqiijiyay in…

20 mins ago

MW Xasan Sheekh “Soomaaliya waxa ay u furan tahay in la Maalgashado”

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay u furan tahay…

5 hours ago

Turkiga oo Soomaaliya keenaya Maraakiib Kalluumaysi

Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş oo ka hadlay Shirweynaha 1aad ee Badaha Soomaaliya ayaa…

6 hours ago

MW Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta furaya Shirweynaha Badaha Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furaya shirweynaha 1aad Badaha Soomaaliya oo…

7 hours ago

Kooxo hubaysan oo ku dagaalamay mid kamid ah Xarumaha Shidaalka ee Liibiya

Magaalada Zawiya ee qiyaastii 45ta Kiilo-mitir dhinaca Galbeed uga beegan Caasimadda Liibiya ee Tripoli waxaa…

8 hours ago

RW Xamsa oo bogaadiyay isbaddelka uu sameeyay Maamulka Waqooyi Bari

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay tallaabooyinka Amni, Dib u dhis…

8 hours ago