GUDAHA/wararka

Hormuud Telecom & Save the Children oo Muqdisho ku kala saxiiday Heshiis Istiraatiijiyadeed oo iskaashi ah

Hormuud Telecom iyo Save the Children ayaa maanta Muqdisho ku kula saxiixday Heshiis Istiraatiijiyadeed oo iskaashi ah, kaas oo kor loogu qaadayo fayo-qabka carruurta iyo bulshooyinka nugul iyada oo loo marayo xal loo dhan yahay taas oo teknoolojiyaddu horseedeyso.

Tallaabadaan taariikhiga ah ayaa labadaan hay’adood waxa ay hiigsanayaan inay ka faa’iidaystaan khibradahooda si ay u abuuraan hindise wax ku ool ah oo wax ka qabta baahiyaha muhiimka ah ee carruurta iyo bulshada nugul.

Munaasabadda ay ku kala saxiixanayeen heshiiskaan oo ka dhacday Hotel Jazeera, waxaa ka soo qeyb galay madax ka socotay dowladda Soomaaliya oo ay ka mid yihiin; Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad ee Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji, Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga, iyo Horumarinta dhaqaalaha Madaxmed Cabdiraxmaan Beenebeene, iyo Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Maxamuud Macallin Cabdulle.

Guddoomiyaha shirkadda Hormuud Axmed Maxamed Yuusuf oo ka hadlay munaasabadda heshiiska ayaa sheegay in shirkadda Hormuud ay kaalin weyn ka soo qaadatay horumarinta arrimaha bulshada, dhaqaalaha, ganacsiga, iyo taageeridda caruurta iyo dadka baahiyaha gaarka qaba.

Guddoomiye Axmed ayaa sheegay in shirkaddu leedahay Hay’ad gaar ah oo ka shaqeysa arrimaha beni’aadannimada, isaga oo carrabka ku dhuftay in labadii sanno ee u dambaysay ay taageero iyo garab istaag u muujiyeen caruur Soomaaliyeed oo u baahnaa caafimaad dalka dibadda ah.

“Waxay ahayd Hormuud Telecom iyo Save The Children iney marhore is arkaan si la isaga kaashado badbaadinta carruurta Soomaaliyeed. Hormuud ahaan, waxaan aaminsanahay in tignoolajiyada ay tahay inay u adeegto dadka, gaar ahaan kuwa ugu nugul, iskaashigan aan la leenahay Save the Children ayaa marag u ah waxa aan gaari karno,” sida uu yiri Guddoomiyaha Hormuud Telecom.

Madaxa Soomaaliya ee Save The Children Mudane Maxamuud Xasan ayaa hadal jeedintiisa ku xusay faa’idada uu lee yahay heshiiskaa, isaga oo sheegay in ay ku faraxsan yihiin in Shirkadda Hormuud oo xil iska saartay horumarinta bulshada ay la shaqeenayaan.

“Iskaashigaan waxa uu noo fududeen doonaa shaqooyinka aan caruurta u hayno, xilli caruurta Soomaaliyeed in ka badan 60% ay yihiin waxbarasho la’aan. Waxaan xaqiijineynaa in heshiiskaan uu noqda mid laga dhabeeyo dhaqan galintiisa,” sida uu yiri Maxamuud Xasan oo ah madaxa Soomaaliye ee Save the Children.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay bogaadinayso tallaabadaan ay qaadayn Shirkadda Hormuud iyo Save the Children, isaga oo sheegay in labadaan hay’adood door fiican ka ciyaareen horumarinta bulshada, waxbarashada, iyo caafimaadka caruurta xilligii burburka.

Heshiiska oo ay wada galeen labadaan Hay’adood waxaa u kala saxiixay Guddoomiyaha Shirkadda Hormuud iyo Madaxa Soomaaliya ee Save the Children, ayaa diiradda lagu saari doona Helitaanka digitaalka iyo waxbarashada, Xalka isgaarsiinta degdegga ah xilliyada ay jiraan dhibaatooyinka bani’aadannimada, Sameenta Ololayaal wacyigalin ee ku saabsan xuquuqda carruurta, caafimaadka, iyo waxbarashada iyo Awood siinta dhallinyarada.

Mustaqbal

MM News

Recent Posts

Waa maxay ujeedka Wafdiga Saraakiisha Soomaaliya iyo Turkiga ee gaarey Baydhabo?

Saraakiil sare oo ka tirsan Militeriga Soomaaliya iyo Turkiga ayaa gaarey magaalada Baydhabo ee caasimadda…

1 hour ago

RW Xamsa Cabdi Barre oo gaaray Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi u badan Wasiiro katirsan Xukuumaddiisa…

6 hours ago

Ciidamada DFS & ‘AS’ oo ku dagaalamaya Gobolka Hiiraan

Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan gaar ahaan inta u dhaxaysa Maxaas iyo Teedaan ayaa kusoo…

7 hours ago

Dagaalka u dhaxeeya Ciidanka Federaalka Itoobiya & kuwa TPLF oo sii xooggaystay

Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…

9 hours ago

Maxaa baddelay go’aankii Trump uu ku shaaciyay in uu duullaan ku qaadayo Iiraan?

Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…

10 hours ago

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo maanta ku wajahan Magaalada Magaalada Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…

10 hours ago