Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa shaacisay in ay geeriyoodeen 25 qof 47 kalena ay ku dhaawacmeen Fatahaadihii ugu dambeeyay ee Soomaaliya ay ka sameeyeen Wabiyada Jubba iyo Shabeelle.
Bogga Twitterka ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka ayaa lagu baahiyay in ay barakaceen 270,000 oo qof, dhimashadu tahay 25 dhaawacana yahay 47 qof.
Waxa kale oo ay hay’addu sheegtay in Roobka Deyrta ee ka da’aya Soomaaliya uu sii socdo islamarkaana horseedi karo Fatahaado hor leh oo khasaare kale geysan kara..
WHO waxaaa ay sheegtay iyada oo xaaladdan taagantahay ay hay’ddu gargaar naf badbaadin deg deg ah ka fulin doonto meelaha ugu daran ee dadka ay dhibaatada ka soo gaarto.
Xafiiska isku xirka arrimaha gargaarka Qaramada Midoobey ee UNOCHA ayaa isaguna sheegay in guud ahaan Fatahaadaha Soomaaliya ay saameeyeen 547,000 oo qof.
Biyaha Wabiga Shabeelle ee mara Baladweyn ayaa sare u kacay heerkii ugu sarreeyay,waxaana biyaha sare u kacay e Wabiyada Jubba iyo Shabeelle saameeyeen Dowlad Goboleedyada Hirshabeelle, Koondfur Galbeed iyo Jubaland.
Madaxweynaha Suuriya, Ahmed al-Sharaa, ayaa shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la…
Fadhi aan caadi ahayn oo ay maanta magaalada Laascaanood ku yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad goboleedka…
Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Dr Badr Abdelatty ayaa markale ku celiyay in Dowladdiisa ay garab…
Sida ay ku warrantay Warbaahinta ku hadasha Afka Maamulka Israa’iil, waxaa maalmo dheeraad ah lagu…
Magaalooyinka Muqdisho, Addis Ababa iyo Kampala waxaa ka socda shirar looga hadlayo Mustaqbalka Howlgalka Midowga…
Ciyaaryahanka u dhashay Dalka Spain kuna guullaystay Koobka Adduunka 2026 ee lagu magacaabo Marc Cucurella…