Ciidamada ammaan Liibiya ayaa la sheegay in ay xoojiyeen howlgallada ka dhanka ah Ajaanibta Dalkooda u tagtay in ay kasii tahriibaan kuwaas oo u kala dhashay Dalal kala duwan oo dhaca Qaaradda Afrika sida Soomaaliya.
Inta uu howlgalka socday waxa ay Ciidamadu heleen xog la xiriirta guryo lagu hayo dad Tahriibayaal ah oo isu diyaarinayay in ay galaan safarka Badda si ay u gaaraan Dalka Talyaaniga oo ay damacsanaayeen in ay uga sii gudbaan Dalalka kale ee Yurub.
Saraakiisha ammaanka Liibiya ma faahfaahin tirada dadka ay qabteen, goobta ay geeyeen, dhalashadooda iyo su’aalaha kale ee dulsaaran balse waxa ay tilmaameen in ay ka go’an tahay soo afjaridda Tahriibka muddo dheer Dalkooda ka socda.
Talyaaniga iyo Dalal kale oo Yurub ah ayaa horay isugu dayay in ay dhaqaale ku siiyaan Xukuumadda Tripoli si ay u xakamaayso qulqulka Tahriibayaasha xad-dhaafka ah laakiin muddo dheer ayay ku qaadatay howlgalladaan oo aan weli dhammaan.
Hay’adda Socdaalka Adduunka ee IOM ayaa horay u sheegtay in dhimasho badan ay ka dhalatay qulqulka Tahriibka, qaar kamid ah Dad isku dayay in ay Tahriibaan ayaa dalalkooda dib loogu celiyay halka qaar kale weli ay joogaan dalal dhaca Waqooyiga Afrika.
Mustaqbal
Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…
Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…
Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…
Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…