Hay’adaha Ammaanka Dowlad-Goboleedka Galmudug ayaa ku raadjooga Koox hubaysan oo weerar jidgal ah ku qaadday Gaari noociisu yahay Toyota Probox oo u socday Aroos oo marayay duleedka Deegaanka Laanjabane ee Gobolka Galgaduud.
Inta la xaqiijiyay weerarkaas waxaa ku dhintay 3 ruux halka ay ku dhaawacmeen 2 kale, waxaana dadka dhaawaca soo gaaray loo qaaday mid kamid ah Goobaha Caafimaadka ee Degmada Guriceel si loo daweeyo.
Gaariga waxaa ka muuqda rasaas xooggan oo ay ku furtay Kooxda baxsadka ah ee Laamaha ammaanka ku raadjoogaan, waxaana saraakiisha Hay’adaha ammaanka ay la kulmeen ehelka dadka dhibaatadu soo gaartay iyaga oo u sheegay in ay soo qabanayaan kooxdaas.
Deegaanno katirsan Dowlad-Goboleedka Galmudug waxaa muddooyinkii dambe ka dhacayay dilalka la xiriira aanooyinka inkasta oo aan la ogayn in falkaan uu qayb ka yahay dilalkaas iyo in kooxdu ay doonaysay in ay baarato dadka la socday Gaariga.
La soco wixii kasoo kordha
Mustaqbal
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay u furan tahay…
Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş oo ka hadlay Shirweynaha 1aad ee Badaha Soomaaliya ayaa…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furaya shirweynaha 1aad Badaha Soomaaliya oo…
Magaalada Zawiya ee qiyaastii 45ta Kiilo-mitir dhinaca Galbeed uga beegan Caasimadda Liibiya ee Tripoli waxaa…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay tallaabooyinka Amni, Dib u dhis…
Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…