GUDAHA/wararka

Booliiska Gobolka Banaadir oo xiray Askar ‘si sharci darro ah’ hub ugu dhex watay Muqdisho

Taliska Ciidanka Booliiska qaybta Gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay 11 Askari oo uu ku eedeeyay in ay si sharci darro ah hub ugu dhex wateen Magaalada Muqdisho maadaama talisku uu horay uga soosaaray awaamiir ka dhan ah arrintaan.

Booliiska ayaa sheegay in ay Maxkamad u gudbinayaan mar haddii ay ka dhega-furaysteen amarka kasoo baxay Hay’adaha ammaanka Dowladda Federaalka horayna loogu wargeliyay dhammaan ciidamada sida hadalka loo dhigay.

“Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan Booliska Caasimadda, Saldhigga Bartamaha, ayaa gacanta ku dhigay 11 eedaysane oo askar ah, kuwaas oo lagu soo qabtay iyagoo si sharci-darro ah ugu hubaysan bartamaha caasimadda” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay taliska qaybta Booliiska Gobolka Banaadir.

“Eedaysanayaashan ayaa baalmaray awaamiirta hay’adaha amniga ee farayay in aan lagu arki karin caasimadda askari aan shaqo ku jirin oo si iskiis ah hub ula dhex socda magaalada, 11-ka eedaysane waxay haatan ku jiraan gacanta Booliska, waxaana loo gudbin doonaa maxkamadda ay khusayso” ayaa lagu soo gabagabaayay qoraalka Booliiska.

Hay’adaha ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horay Caasimadda uga mamnuucay in lagu dhex qaato hubka culus ee qaarkood Gaadiidka lagu xiro, ilaalo badan ee la socota dadka is ilaaliyo & in askarta hub ku dhex qaataan Muqdisho.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Sheekh Xasiina oo ku dhawaaqday inay ku laabanayso Bangladesh inkastoo dil lagu xukumay

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Bangladesh, Sheekh Xasiina, ayaa shaaca ka qaadday inay dalkeeda dib…

9 hours ago

Maxay ka wada hadleen Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Pakistan?

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa kulan gaar ah maanta la yeeshay Ra’iisul…

11 hours ago

Jabuuti oo sheegtay in ay ciidamadeeda sii joogi doonaan gudaha Soomaaliya

Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in ay diirada saareyso dagaalka ka dhanka ah As, iyadoo qeyb…

14 hours ago

Maamulka Jubbaland oo cambaareeyay colaadaha sokeeye ee Puntland kasoo ifbaxday

Maamulka Jubbaland ayaa war kasoo saaray dagaalkii saakay ka dhacay Bariga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka…

15 hours ago

DFS oo sheegtay in ay Warshado waa weyn ka hirgelinayso Degmada Balcad

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Warshado waa weyn oo kaalin muhiim ah ka qaata…

16 hours ago

Soomaaliya oo Itoobiya uga tacsiyaysay Dadkii ku dhintay Roobka ka da’ay Gobolka Amxaarada

War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dowladda…

16 hours ago