GUDAHA/wararka

Halis caafimaad oo ay la kulmi karaan Wariyayaasha ku carara goobaha qaraxyada

“Suxufi ahaan ujeedadaadu waa helidda Xog, Sawirro iyo wax sheekadaada xaqiijin kara, Wariyayaasha waxaa ay la kulmaan dhibaato kala duwan xilliyada qaraxyada”
Bruce David Martin oo ka shaqeyn jiray WWOR-TV.

khasaaraha waxa ay ula sinnaan karaan dadka kale hayeeshee waxaa la sheegayaa in arrintaas mid ka duwan ay ka dhalato goobaha Qaraxyada.

19 Sano kaddib Suxufiyiintii ugu horreeyay ee tagay Xarunta Ganacsiga Mareykanka ee la weeraray 9/11/2001 ayaa hadda la xanuunsanaya cudurka Kansarka.

Wax kale kama aysan qaadin xanuunnadaas,waxaa ay ka qaadeen boorkii faraha badnaa ee ka baxayay goobta ay u tageen in ay war ka soo tebiyaan.

Xilligaas ma aysan dareemeyn, hayeeshee neefsiga ay neefsanayeen inta boorka hawada ku jiray ayaa saameyn taban ku yeeshay caafimaadkooda,waxaana uu isu beddelay Kansar.

Qaar ka mid ah wariyayaashii xilligaas soo tebiyay dhacdadaas ayaa hadda raadinaya magdhow ay ka helaan hay’adihii warbaahineed ee ay u shaqeynayeen,waxaana la arkay ilaa labo codsi oo ay u geeyeen hay’adaha raadiya magdhowga dhibbanayaasha.

Martin, oo 65 jir ah waxaa uu ka midyahay Wariyayaashii ugu horreeyay ee tagay goobtaas 9-September-2001, waxaa uu qabaa hadda Kansarka qeybta loo yaqaanno  Liposarcoma oo ah qeyb dhif & naadir ah.

Wariyayaasha waxaa lagula talinayaa in aysan horay ugu cararin goobaha qaraxyada ama musiibooyinka kale ka dhacaan, si aysan u qaadan boor aysan markaas dhib u arkeyn hayeeshee sababi kara geeri ka dhalata nooc ka mid ah kuwa ugu halista badan cudurka Kansarka.

Mustaqbal

Isha:CNN

News Editor

Recent Posts

Shiinaha oo sheegay inuu garab taagan yahay ilaalinta Midnimada iyo Madaxbannaanid Soomaaliya

Shiinaha ayaa mar kale muujiyay taageerada uu u hayo ilaalinta midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed…

12 hours ago

BFS oo joojiyay lacagihii Xildhibaannada looga jari jiray aaska Xildhibaanka dhinta

Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa joojiyay lacag dhan $100 oo Xildhibaannada looga jari…

15 hours ago

Turkiga oo 2027 Soomaaliya ka diraya Dayax gacmeed

Dowladda Turkiga ayaa qorsheyneysa in sannadka soo socda 2027 ay Soomaaliya ka dirto Dayax gacmeed…

17 hours ago

Kooxaha Burcad Badeedda Soomaalida oo sii daayay Markab u afduubnaa

Kooxaha Burcad Badeedda Soomaalida ayaa sii daayay Markab u afduubnaa sida ay ku warrameen ilo…

18 hours ago

Waa kuma Danjiraha Cusub ee Turkiga ee xilka kala wareegaya Alper Aktaş?

Alper Aktaş oo ahaa Danjirihii Turkiga ee Soomaaliya 2024 ilaa 2026 ayaa laga sagootiyay Magaalada…

18 hours ago

Golaha Ammaanka oo kordhiyay Cunaqabaynta hubka ee saaran Gobolka Daarfuur

15ka xubnood ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa u codeeyay qaraar lagu waqti dheereynayo…

19 hours ago