GUDAHA/wararka

Hadallada adag ay is dhaafsanayaan xubnaha xilalka DF ka haya & Siyaasiyiinta, xal ma u noqon kartaa digniinta Xeer Ilaaliyaha qaranka?

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa sheegay in uu hayo dacwad ka dhan ah dad adeegsaday Aflagaado, iska hor keenid Bulsho, Faafinta muuqaallo anshax xumo ah, Sawirro iyo waxyaabo kale oo saamayn ku yeelanaya Bulshada, inkasta oo aanay xafiisku sharaxaad ka bixin dacwaddaas.

Waxaa jira Xubno xilal kala duwan ka haya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Siyaasiyiin kale oo baraha Bulshada & Warbaahinta isku mariyay hadallo adag oo qaarkood laga dheehan karo aflagaado, caga-juglayn iyo kicin Bulsho.

Sidoo kale Muuqaallo lagu sameeyay Garaadka Macmacka ah (AI) ayaa lagu faafiyay Baraha Bulshada, waxaa muuqaalladaas si toos ah u taabanayeen mas’uuliyiin qaar Dowladda Federaalka Soomaaliya oo aaladdaas loo adeegsaday.

Waxaa la dhowrayaa Tallaabada uu qaadi karo xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, dadka lasoo taagi karo Maxkamadda awoodda u leh in ay qaaddo kiisaskaas kala duwan ee xafiisku sheegay in dacwad ka dhan ah uu qabtay.

Haddaba, Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, xal ma u noqon karaa soo afjaridda hadallada saamaynta taban dhalin kara ee la is dhaafsanayo?

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

MW Xasan Sheekh “Soomaaliya waxa ay u furan tahay in la Maalgashado”

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay u furan tahay…

1 hour ago

Turkiga oo Soomaaliya keenaya Maraakiib Kalluumaysi

Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş oo ka hadlay Shirweynaha 1aad ee Badaha Soomaaliya ayaa…

1 hour ago

MW Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta furaya Shirweynaha Badaha Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furaya shirweynaha 1aad Badaha Soomaaliya oo…

3 hours ago

Kooxo hubaysan oo ku dagaalamay mid kamid ah Xarumaha Shidaalka ee Liibiya

Magaalada Zawiya ee qiyaastii 45ta Kiilo-mitir dhinaca Galbeed uga beegan Caasimadda Liibiya ee Tripoli waxaa…

3 hours ago

RW Xamsa oo bogaadiyay isbaddelka uu sameeyay Maamulka Waqooyi Bari

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay tallaabooyinka Amni, Dib u dhis…

4 hours ago

Kenya oo kordhinaysa Ciidamada ka jooga deegaannada xiga Soomaaliya

Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…

18 hours ago