GUDAHA/wararka

Muxuu yahay balan qaadka dowladda Soomaaliya ay u samaysay Danjire Jamaal?

Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool waxaa August 30, 2025 ku qabsoomay doorashada madaxweynaha iyo ku xigeenka maamulka Waqooyi Bari, kaas oo ay ku baratameen 10 musharrax oo u kala sharaxan labada xil.

Doorashada oo la’isla gaaray illaa galinka dambe ee maalintaas waxaa madaxweynaha maamulka Waqooyi Bari loo doortay Cabdulqaadir Aw-Cali Firdhiye, halka madaxweynaha ku xigeenka loo doortay Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.

Musharaxiinta u tartantay madaxweynaha waxaa ka mid ahaa Danjire Jamaal Maxamed Xasan oo ka mid ahaa dadka ugu cadcadaa, balse waxa uu ku haray wareegii 1-aad, isaga oo galay kaalinta 3-aad, ka dib markii uu helay 15 cod.

Jamaal oo looga baqdin qabay in uu cododkiisa u wareejiyay Cabdirisaaq Khaliif oo ka mid ahaa mucaaradka, ayaa isbadal dhacay gadaal markii uu cododkiisa ku biiriyay Cabdulqaadir Firdhiye, ka dib markii uu ballanqaad ka helay Dowladda Federaalka Soomaaliya, taasina waxa ay sababtay in uu ka tanaasulo ololihii xoogganaa uu geliyay Doorashadii ka dhacday magaalada Laascaanood.

Tan iyo horraantii bishaan oo ah markii uu ku dhawaaqay musharraxnimadiisa waxa uu waday sidii loo sameyn lahaa isbahaysi siyaasadeed oo xooggan kuna gaarayo Doorashadii dhacday 30kii Agoosto 2025 ee Cabdulqaadir Firdhiye ku guulaystay.

Bandhigga Siyaasadeed uu Wasiir hore Jamaal Maxamed Xasan ka sameeyay Magaalada Laascaanood maalmihii ololaha Doorashada waxa uu waji kale u yeelay loolanka musharrixiinta inkasta oo markii dambe heshiis la sheegay in uu la galay Dowladda Federaalka.

Sida ay ku warrameen ilo ku dhow ballanqaadkaas, Dowladda Federaalka ayaa Jamaal Maxamed Xasan u ballanqaadday in uu kamid noqdo Xukuumadda Dan-qaran gaar ahaan xilka Wasiirka Deegaanka iyo Isbaddelka Cimillada la siinayo.

Jamaal oo olole xoggan ka sameeyay magaalada Laascaanood ayaa horay usoo qabtay xilka Wasiirka Qorshaynta Soomaaliya, isaga oo noqday wasiirkii ugu muddada dheeraa marka la eego Wasaaraddaan isaga oo hayay 2017 illaa 2022.

Danjire Jamaal ayaa markii Doorashadu soo idlaatay kaddib, waxa uu u hambalyeeyay Madaxweynaha la doortay ee Cabdulqaadir Firdhiye iyo ku xigeenkiisa Cabdirashiid Yuusuf, waxa uu ka rajeeyay in ay dhexda u xirtaan sidii Maamulka Waqooyi bari loo dardargelin lahaa.

Mustaqbal

MM Editor

Recent Posts

DFS oo dhammaadka sannadkan soo bandhigeysa Natiijada rasmiga ah ee qodida Shidaalka Ceelka Curad 1

Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed, ayaa xaqiijiyay in…

25 mins ago

MW Xasan Sheekh “Soomaaliya waxa ay u furan tahay in la Maalgashado”

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay u furan tahay…

6 hours ago

Turkiga oo Soomaaliya keenaya Maraakiib Kalluumaysi

Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş oo ka hadlay Shirweynaha 1aad ee Badaha Soomaaliya ayaa…

6 hours ago

MW Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta furaya Shirweynaha Badaha Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furaya shirweynaha 1aad Badaha Soomaaliya oo…

7 hours ago

Kooxo hubaysan oo ku dagaalamay mid kamid ah Xarumaha Shidaalka ee Liibiya

Magaalada Zawiya ee qiyaastii 45ta Kiilo-mitir dhinaca Galbeed uga beegan Caasimadda Liibiya ee Tripoli waxaa…

8 hours ago

RW Xamsa oo bogaadiyay isbaddelka uu sameeyay Maamulka Waqooyi Bari

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay tallaabooyinka Amni, Dib u dhis…

8 hours ago