GUDAHA/wararka

Guddoonka labada aqal oo ka shiray furitaan Kulamada kalfadhiga 8-aad ee Baarlamaanka

Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan gaar ah ku yeeshay hoyga Guddoomiyaha Aqalka Sare ee magaalada Muqdisho, kaas oo looga hadlayay u diyaar-garowga iyo dib u furista Kalfadhiga 8-aad ee Baarlamaanka 11-aad ee dalka.

Kulankan ayaa ku soo beegmaya xilli Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Senetarada Aqalka Sare loogu yeeray inay dib ugu soo laabtaan fadhiyada baarlamaanka, iyadoo la filayo in maalmaha soo socda si rasmi ah loo furo kalfadhiga cusub oo u calaamadinaya Baarlamaanka 11-aad inuu hadda billaabayo sannadkiisii 5-aad ee shaqada.

Labada Gole oo billaabaya sannadkoodii 5-aad ayaa qoddobada kalfadhigan 8-aad horyaalla waxaa ugu horreeya doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka oo ay hadda sii heyso Guddoomiye ku xigeenka 1-aad, Sacdiya Yaasiin.

Guddoonka labada Aqal ayaa isku raacay in taariikhda rasmiga ah ee furitaanka kalfadhiga la shaacin doono marka la xaqiijiyo diyaar-garowga farsamo iyo kooramka buuxa ee labada aqal.

Kulankan oo ay sidoo kale goobjoog ka ahaayeen Xoghayeyaasha Guud ee labada aqal, ayaa lagu muujiyey sida ay guddoonka uga go’an tahay in Baarlamaanku si hufan, daahfuraan iyo masuuliyad leh u guto.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Baarlamaanka Waqooyi Bari oo ansixiyay qaraar ka dhan ah Maamulka Waqooyi Galbeed

Fadhi aan caadi ahayn oo ay maanta magaalada Laascaanood ku yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad goboleedka…

37 mins ago

Masar oo markale garab istaag u muujisay midnimada & Xasiloonida Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Dr Badr Abdelatty ayaa markale ku celiyay in Dowladdiisa ay garab…

4 hours ago

Xukuumadda Netanyahu oo waqti kordhin u samaysay xaaladda ka dhalatay cabsida ay ka qabaan Iiraan

Sida ay ku warrantay Warbaahinta ku hadasha Afka Maamulka Israa’iil, waxaa maalmo dheeraad ah lagu…

5 hours ago

Shirarka looga hadlayo Mustaqbalka AUSSOM oo ka kala socda Muqdisho, Addis Ababa & Kampala

Magaalooyinka Muqdisho, Addis Ababa iyo Kampala waxaa ka socda shirar looga hadlayo Mustaqbalka Howlgalka Midowga…

6 hours ago

Ciyaaryahan Marc Cucurella oo sharaxay sababta uusan u jarayn Tintiisa

Ciyaaryahanka u dhashay Dalka Spain kuna guullaystay Koobka Adduunka 2026 ee lagu magacaabo Marc Cucurella…

7 hours ago

Maxay tahay fariinta Puntland ay u dirtay Galmudug?

War kasoo baxay Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa Galmudug loogu baaqay in ay ka waantowdo in saanad…

8 hours ago