Guddoomiyaha cusub ee Magaalada Marka ayaa sheegay in ay qorsheynayaan in go’doonka saaran magaaladaasi ay ka qaadaan.
Cabdullahi Cali Axmed Waafow ayaa sheegay in Magaalada Marka aysan jirin wax geli kara ama ka bixi kara, waxaana uu ku sababeeyay in ay tahay go’doon ay saareen ururka AL-shabaab.
Isaga oo shir jaraa’id Taleefanka ugu qabtay Warbaahinta ayuu baaq u diray dowladda Soomaaliya, Koofur Galbeed iyo Ciidamada AMISOM.
Waxaa uu sheegay in magaalada dhinac kasta laga go’doomiyay bur bur badanna uu ka muuqdo,waxaana uu dowladda Federaalka ah ka codsaday in ay arrintaas wax ka qabato.
Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka ah ayaa ku sugan magaalada Marka kuwaas oo qeyb ka ah guutada 14ka October.
Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed, ayaa xaqiijiyay in…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay u furan tahay…
Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş oo ka hadlay Shirweynaha 1aad ee Badaha Soomaaliya ayaa…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furaya shirweynaha 1aad Badaha Soomaaliya oo…
Magaalada Zawiya ee qiyaastii 45ta Kiilo-mitir dhinaca Galbeed uga beegan Caasimadda Liibiya ee Tripoli waxaa…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay tallaabooyinka Amni, Dib u dhis…