Guddoomiyaha Mandheera oo sheegay in la xoojinayo dagaalka Al-shabab

Guddoomiyaha Magaalada Mandheera Cali Roobow ayaa sheegay in ay sare u qaadayaan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda Gobolka Soomaalida ee ay Kenya maamusho.

Mr Roobow oo boqolaal Ciidan,dadweyne iyo siyaasiyiinta ka soo jeedda Gobolka la hadlayay ayaa sheegay in howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab kaddib dib loofurayo goobaha laga qodo Kaawada,suuqyada qaar iyo meelo kale oo muhiim ah oo ay Iskuullo ka midyihiin.

Cali Roobow ayaa sheegay in Al-shabaab ay qatar ku yihiin dadnimada iyo Dowladnimada Kenya loona baahanyahay in la iska gacansiiyo sidii looga adkaan lahaa.

Guddoomiye Cali waxaa uu sheegay in gudaha Soomaaliya ay Al-shabaab ku beegsato dadka Soomaalida ah laakiin Kenya ay Ciidamada amaanka ku beegsadaan muwaaddiniinta iyaga oo xarig,jirdil iyo gabood falla kaleba u geysta waxaana uu ugu baaqay in si loo helo wada shaqeynta shacabka ay Ciidamada amaanka ka fogaadaan waxyeelleynta dadka aan waxba galabsan.

Xildhibaan Bashiir Cabdullahi oo ka mid ah Guddiga difaaca iyo xiriirka dibadda ee Baarlamaanka Kenya ayaa sheegay in marna aan la qaadan karin in iyada oo Ciidanka Kenya ka dagaallamayaan gudaha Soomaaliya in Ciidamada kale ee Kenya ay waxyeello u geystaan dadka degaanka halkii ay ahayd in ay amaankooda sugaan.

Mustaqbal media

Recent Posts

MW Xasan Sheekh “Soomaaliya waxa ay u furan tahay in la Maalgashado”

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay u furan tahay…

4 hours ago

Turkiga oo Soomaaliya keenaya Maraakiib Kalluumaysi

Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş oo ka hadlay Shirweynaha 1aad ee Badaha Soomaaliya ayaa…

4 hours ago

MW Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta furaya Shirweynaha Badaha Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furaya shirweynaha 1aad Badaha Soomaaliya oo…

6 hours ago

Kooxo hubaysan oo ku dagaalamay mid kamid ah Xarumaha Shidaalka ee Liibiya

Magaalada Zawiya ee qiyaastii 45ta Kiilo-mitir dhinaca Galbeed uga beegan Caasimadda Liibiya ee Tripoli waxaa…

6 hours ago

RW Xamsa oo bogaadiyay isbaddelka uu sameeyay Maamulka Waqooyi Bari

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay tallaabooyinka Amni, Dib u dhis…

7 hours ago

Kenya oo kordhinaysa Ciidamada ka jooga deegaannada xiga Soomaaliya

Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…

21 hours ago