Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Cabdikariin Axmed Xasan ayaa shaaciyay la soo gaba gabeeyay diiwaan galinta Doorashada qof iyo codka ah ee degmooyinka gobolka Banaadir.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in la diiwaan galiyay ku dhawaad 1 milyan oo shacabka ku nool Muqdisho, kuwaasi oo xaq u yeelan doona in ay codeeyaan.
“Duqa Magaalada Muqdisho iyo golaha deegaanka waxaa la dooran doona 30 bisha October, waxaana loo dareeri doona codbixin” ayuu yiri Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka, Cabdikariin Axmed Xasan.
Shacabka Soomaaliyeed ayaa muddo ka dhoor sugaya Doorashada qof iyo codka ah
Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa sheegay in Laascaanood ilaa Xudur ay ka socoto diiwaan galinta Doorashada qof iyo codka ah, dhawaana la filayo in la soo gaba gabeeyo.
Dowladda Soomaaliya ayaa ku dadaaleysa in dalka ay ka qabsoonto Doorasho qof iyo cod ah, gaar ahaan in ay shacabka Muqdisho helaan Maamul matala.
Mustaqbal
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…