Xildhibaan Maxamed Xuseen Tahliil Gudoomiyaha Guddiga Doorashada Madaxweynaha Galmudug iyo ku xigeenkiisa ayaa ka hadlay Doorashada la filayo in ay ka dhacdo Magaalada Dhuusamareeb.
Waxa uu soo hadal qaaday shaqsiyaadka diidan jiritaanka Guddigaan, isaga oo tilmaamay in ay qabteen Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa.
Gudoomiye Maxamed Xuseen Tahliil waxa uu meesha ka saaray Cabasho kasoo yeertay Ahlu sunna oo ah in aysan ku qanacsaneen Guddiga Doorashada dibna loogu laabto.
Ahlu sunna waxa uu tilmaamay in ay heshiis wada galeen Dowladda Federaalka isla markaana aan jirin meel uu ku burburay sida uu hadalka u dhigay.
Xildhibaan Maxamed Xuseen Tahliil waxa uu sheegay in laga gudbay waqtigii lala tashan lahaa Madaxweyne Xaaf iyo Madaxa Xukuumadda Galmudug, maadaama la dhisay Baarlamaan iyo guddoonkooda.
Waxa uu soo jeediyay in dhismaha Galmudug looga dambeeyo Hay’adda Sharci dejinta oo xaq u leh dhismaha Dowlad Goboleedka.
Gudoomiyaha Guddiga Doorashada Madaxweynaha Galmudug iyo ku xigeenkiisa waxa uu ku adkeystay in aanu jiri doonin dib u dhac ku yimaada Doorashada waqtigeeda oo ku beegan 30-ka Bishaan.
Musharixiinta ay diiwaangeliyeen waxa uu ku shegay in ay gaarayaan 7-ruux, waqtiga ugu dambeeyo oo ay heystaana uu yahay ilaa gelinka dambe ee maanta sida uu hadalka u dhigay.
Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa kahor yimid qaabka loo wado dhismaha Galmudug, waxaana horay u qaadacay qaar kamid ah Musharixiinta kadib markii ay saluugeen xubnaha guddiga.
Dhanka kale, Waxaa Magaalada Dhuusamareeb xalay kulamo gaar gaar ah ku yeeshay qaar kamid ah Musharixiinta Madaxweynaha iyo ku xigeenka Galmudug, waxaana ay kaga arrinsanayeen sidii ay ka yeeli lahaayeen go’aanka guddiga Doorashada ee 24-saac uga dareen in ay isku diiwaangeliyaan.
Saraakiil ciidan oo katirsan Dowladda Suudaan ayaa Maamulka Puntland ee Soomaaliya ku eedeeyay in uu…
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo bandhigtay naqshadda cusub ee Baasaboorka dalka maadaama ay xubin rasmi…
Ammaanka Magaalada Dhuusamareeb ayaa aad loo adkeeyay waxaana laga mamnuucay in ay hub ku dhex…
Dowladda Soomaaliya ayaa muddo saacado ah ku xirtay Ryan Bridge, oo ah nin u dhashay…
Hoggaamiyaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, Aadan Maxamed Nuur Madoobe, ayaa magaalada Baydhabo ku guddoomiyay kulan aan…
Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed ayaa cadaadis xooggan ku haya Wasiirradiisa isaga oo ku cadaadinaya…