Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Soomaaliya Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed ayaa sheegay in Hay’adaha amaanka ee dowladda Soomaaliya ay gacanta ku dhigeen dad u dacwooday Al-shabaab.
Waxaa uu sheegay in dadka marka looga guuleysto xukunnada ay ridaan Maxkamadaha Dowladda Soomaaliya ay kuwii laga guuleystay u dacwoodaan Al-shabaab.
Baashe ayaa sheegay in todonaadkii la soo dhaafay saddex qof loo xiray arrintaas isaga oo ka digay in loo dacwad tago Maxkamadaha Al-shabaab.
Guddoomiye Baashe ayaa sheegay in inta badan Dacwadaha ay qabtaan ee uu muranka ugu badan ka dhasho ay ka midyihiin Dhulalka isaga oo dadka uga digay in xukunka Maxkamadda sare kaddib ay meelo kale xukun u raadsadaan.
“Waxaa jira dad aan ognahay oo maxkamaddaha ay dacwado ka yaalaan, oo dacwadahaasi looga guuleystay oo Documentiyada ay sitaan been ay yihiin, dabadeedna si ay cadaaladda u hor istaagaan u taga cadowga dalka, markaa waxaan doonaynaa in aan Shacabka u sheegno in aanan u dulqaadaneyn iyadoo Garsoor Cadaalad ah dalka laga heli karo in cadowga u tagaan.” Ayuu yiri Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka.
Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Bangladesh, Sheekh Xasiina, ayaa shaaca ka qaadday inay dalkeeda dib…
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa kulan gaar ah maanta la yeeshay Ra’iisul…
Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in ay diirada saareyso dagaalka ka dhanka ah As, iyadoo qeyb…
Maamulka Jubbaland ayaa war kasoo saaray dagaalkii saakay ka dhacay Bariga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka…
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Warshado waa weyn oo kaalin muhiim ah ka qaata…
War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dowladda…