GUDAHA/wararka

Golaha Wasiirrada Oo Ansixiyay Ku Noqoshada Miisaaniyadda 2019 Iyo Xisaab Xirka Miisaaniyaddii 2018

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) Xasan Cali Khayre, ayaa guddoomiyay shirka golaha wasiirrada oo guud ahaan looga hadlay dhaqaalaha iyo deyn cafinta, laguna ansixyay ku noqoshada miisaaniyadda 2019 iyo xisaab xirka miisaaniyaddii 2018.

Wasiirka maaliyadda XFS oo ugu horreyn golaha uga war bixiyay natiijadii wanaagsaneyd ee shirkii dhawaan Addis Ababab ku dhex maray dowladda iyo Sanduuqa Lacagta Addunka (IMF) ee dib-u-eegista qaybtii 1aad ee SPM4 iyo meesha uu marayo qorshah dalka deynta looga cafinayo, ayaa golaha ka codsaday in ay ansixiyaan ku noqoshada miisaaniyadda 2019 iyo xisaab xirka miisaaniyaddii 2018, oo dood kadib golohu cod wadar ogol ah ay ku meel mariyay.

Miisaaniyadda 2019 ee ku noqshadeeda golaha wasiirradu ansixiyeen iyo xisaab xirka miisaaniyaddii 2018, ayaa loo gudbinayaa golaha shacabka si ay u meel mariyaan.

Faaf-faahin

Ku tala galka miisaaniyadda 2019, ayaa aheyd 344.2 Milyan, dib u noqshada maanta goluhu ansixiyayna waxa ay tahay 390.1 Milyan, guud ahaan farqiga u dhexeeya ku tala galkii hore iyo ku noqshadana, waa 45.9 Milyan oo doollar.

Inta Badan Kororka miisaaniyadda 2019 ayaa ka yimid dakhliga gudaha, waxaana ku tala galkii hore ee dakhliga guduhu ahaa 189.9 Milyan, halka haddana la rejeynayo inuu gaaro 221.3 Milyan oo doollar, waxaana farqiga u dhexeeya uu 31.5 milyan oo doollar

Ku tala galka deeqaha dibadda ee Miisaaniyadda 2019 ayaa ahaa 154.3 Milyan, waxaana la rajeynayaa in uu gaaro 168.8 Milyan oo doollar.

Isbedelka guud ee dhanka kharashka ah ee ku yimid ku talagalkii miisaaniyadda 2019, waxaa qayb ka ah 9.5 Milyan oo ku korortay mushaaraadka iyo gunnada ciidamada iyo macallimiinta, 6 milyan oo loo qorsheeyeey maamulka hawada gudaha dalka kusoo wareegay, 8 Milyan oo dheeraad ah oo dowladda dhexe u qorsheysay dowlad gobaleedyada iyo 8 milyn oo dhisme iyo iibin dhulal iyo dhisme safaareed loo qorsheeyay.

News Editor

Recent Posts

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

4 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

6 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

9 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

9 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

11 hours ago

Trump oo shaaciyay Dalal uu sheegay in ay ka codsadeen joojinta dagaalka ka dhanka ah Iiraan

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…

11 hours ago