Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa ugu baaqay Madaxda Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya in ay xoogga saaraan Xasilloonida amaan iyo siyaasadeed ee Soomaaliya.
Kulan ay Golaha amaanka Sabtigii shalay ka yeesheen arrimaha Soomaaliya ayaa looga hadlay go’aanka Dowladda Federaalka ah ku ceyrisay Nicholas Haysom iyo diidmada codsigii Qaramada Midoobey xoghayeheeda.
Kulankan oo ay Al baabada u xirnaayeen lagana soo saaray Qodobo dhowr ah ayaa waxaa markii sii hore golaha amaanka horgeeyay Dowladda Ingiriiska oo sheegtay in ay taageersan tahay Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya.
Dowladda Chinayaa golaha u sheegtay in la ixtiraamo madaxbanaanida, dhuleed,siyaasadeed, diblomaasiyadeed iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.
Hadalka China oo sidoo kale ay Jimchii kulankii deg degga ahaa ka sheegeen ayey sla shalay ku cliyeen waxaana Dowladda China u muuqatay mid la dhacsan go’aanka dowladda Soomaaliya.
Kulankii Sabtigii ayaa lagu sheegay in Soomaaliya uu sanadka 2019ka u yahay mid aad u adag sidaas darteedna hoggaamiyayaasha Soomaalida ay tahay in ay ka fakaraan mustaqbalka dalkooda.
Waxaa kale oo lagu sheegay in Qaramada Midoobey ay daneyneyso wada shaqeyn wanaagsan oo dhexmarta Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey.
Magaalada Qasa waxay saaka marti galisay aaska iyo janaasada in ka badan 100 ruux oo…
Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed, ayaa xaqiijiyay in…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay u furan tahay…
Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş oo ka hadlay Shirweynaha 1aad ee Badaha Soomaaliya ayaa…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furaya shirweynaha 1aad Badaha Soomaaliya oo…
Magaalada Zawiya ee qiyaastii 45ta Kiilo-mitir dhinaca Galbeed uga beegan Caasimadda Liibiya ee Tripoli waxaa…