WARARKA-GUDAHA/DIBADDA

General Galaal: “Mushkilad ayaan u arkaa aamusnanta xukuumadda Soomaaliya ee Arrinta Badda!

Gen Maxamed Nuur Galaal oo ka mid ahaa saraakiishii sarsare ee xukunkii Kacaanka 1969-1990 ayaa wareysi uu siiyey Mustaqbal waxaa uu uga hadlay saameynta xun ee Kenya iyo Ethiopia ay ku yeelanayaan Siyaasada Soomaaliya iyo aamusnaanta xukuumadda Soomaalia.

Gen Galaal ayaa sheegay in uu mushkilad ka dareemayo Soomaaliya oo aamustay xili Wadamada dariska ay doonayaan in ay qaybiyaan Iyadoo oo dowladaha caalamka loo sheegayo in wadanka uu yahay mid dagaalo argagaxiso ay ka dhacaan,Burcad badeedna ay ka buuxaan.

Gen Galaal ayaa tusaale usoo qaatay Kursiga Kenya ay ku fadhiisatay ee Golaha amaanka qaramada Midoobay taas oo uu sheegay In Soomaliya ay dhibaato kala kulmi karto.

Si taas loogu hortago waxaa uu Sheegay in Dowlada laga doonayo in Xubno fiican ay ka hesho wadamada leh awooda codeynta ee Vote Powerka.

Waxaa uu sii hadlay gen Maxamed Nuur Galaal Waxaana uu hadlay sida Soomaaliya ay kaalin kaga geysan karto dib u soo celinta xiriirka wadama lehe Awooda codeynta ee golaha amaanka si loogu hortago in Kenya ay sameyso Go’aano Soomaaliya ka dhan ah.

Balse rajo Xumo ayuu ka muujiyey Mareykanka,Ingriiska iyo Franciiska halkja uu sheegay in China iyo Russia ay yihiin labada kali ah ee la doonayo in xiriir wanaagsani lala sameeyo,loona fuliyo baahiyahooda si tan Soomaaliya ay u egaan.

Dowlada Soomaaliya oo ku eedeyey in waxyaabo badani ka aamusan tahay ayuu ugu baaqay in talaab deg deg ah qaado kuna aadan wanaajinta xirirka dowladahaas.

Inkastoo China ay xariir diblumaasiyadeed oo kala dhaxeeyso xukuumada dhexe,hadana waxaa dowlada ay dib u baar baari kartaa dib usoo celinta xariirka Russia.

Kenya ayaa dooneyso in ay ku guuleysato Kiiska dacwada bada ee hortaala maxkamada ICj halka Soomaaliyana ay geesteeda ay dooneyso Guusha waloow dhulka uu yahay mid Soomaaliyeed.

MM Staff

Recent Posts

MW Suuriya oo shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la gaari doonaan Israa’iil.

Madaxweynaha Suuriya, Ahmed al-Sharaa, ayaa shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la…

8 mins ago

Baarlamaanka Waqooyi Bari oo ansixiyay qaraar ka dhan ah Maamulka Waqooyi Galbeed

Fadhi aan caadi ahayn oo ay maanta magaalada Laascaanood ku yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad goboleedka…

4 hours ago

Masar oo markale garab istaag u muujisay midnimada & Xasiloonida Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Dr Badr Abdelatty ayaa markale ku celiyay in Dowladdiisa ay garab…

7 hours ago

Xukuumadda Netanyahu oo waqti kordhin u samaysay xaaladda ka dhalatay cabsida ay ka qabaan Iiraan

Sida ay ku warrantay Warbaahinta ku hadasha Afka Maamulka Israa’iil, waxaa maalmo dheeraad ah lagu…

8 hours ago

Shirarka looga hadlayo Mustaqbalka AUSSOM oo ka kala socda Muqdisho, Addis Ababa & Kampala

Magaalooyinka Muqdisho, Addis Ababa iyo Kampala waxaa ka socda shirar looga hadlayo Mustaqbalka Howlgalka Midowga…

10 hours ago

Ciyaaryahan Marc Cucurella oo sharaxay sababta uusan u jarayn Tintiisa

Ciyaaryahanka u dhashay Dalka Spain kuna guullaystay Koobka Adduunka 2026 ee lagu magacaabo Marc Cucurella…

10 hours ago