Fardowso Cismaan Cigaal, Wasiirkii hore ee Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada Soomaaliya ayaa sheegtay in sababta yareysay qaraxyadii ka dhici jiray Magaalada Muqdisho ay ku timid howsha lagu qabtay in Gaadiidka lagu qasbo xirashada summadda u gaarka ah (Taarikada).
Waxa ay intaas ku dartay in baraha Hubinta Gaadiidka la geeyay agab casri ah oo lagu hubiyo Gaadiidka isaga kala gudbaya Muqdisho dhexdeeda kaas oo lagu xaqiijiyo Gawaarida diiwaangashan ee nidaamka Wasaaradda Maray.
Labadii sano ee dhowrkii bil ay joogtay ayay tilmaamtay in ay xoogga saartay wadashaqeynta Dowladda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedyada sida mideynta sumadaha kala duwan ee Gaadiidka oo caqabado badan dhinaca ka gudubka Xuduudaha ku adkaaday.
“Qaraxyada waxaa ku yareynay Gaadiidka ayaan diiwaangelinay oo taariko ku xirnay, Muqdisho way adag tahay in maanta uu maro Gaari aan summad lahayn, awalba kuwo badan ayaa yaaci jiray” Fardowsa Cismaan Cigaal, Wasiirkii hore ee Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada Soomaaliya.
Mustaqbal
Dowladda Canada ayaa war cusub ka soo saartay geerida Cabdiraxmaan Cabdi oo ahaa muwaadin Soomaali-Canadian…
Madaxweynaha Suuriya, Ahmed al-Sharaa, ayaa shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la…
Fadhi aan caadi ahayn oo ay maanta magaalada Laascaanood ku yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad goboleedka…
Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Dr Badr Abdelatty ayaa markale ku celiyay in Dowladdiisa ay garab…
Sida ay ku warrantay Warbaahinta ku hadasha Afka Maamulka Israa’iil, waxaa maalmo dheeraad ah lagu…
Magaalooyinka Muqdisho, Addis Ababa iyo Kampala waxaa ka socda shirar looga hadlayo Mustaqbalka Howlgalka Midowga…