GUDAHA/wararka

Faahfaahino ka soo baxaya dagaal ka socda deegaannada Sabiib iyo Caanoole

Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar AS ay ku qaadeen Saldhigyo ay ciidamada Xoogga iyo kuwa howlgalka AUSSOM gaar ahaan Uganda ku leeyihiin deegaannada Sabiib iyo Caanoole ee gobolka Shabeellada Hoose.

Dagaalka ayaa yimid ka dib markii AS ay weerar qaraxyo ku billaawday ku qaadeen gudaha deegaannada, waxaana jira khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay dagaalka.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in AS ay gudaha u galeen deegaannada Sabiib iyo Caanoole, ka dib markii ay dib u gurteen ciidamada xoogga iyo kuwa Uganda.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in weli dagaalka socdo, isla markaasna aan la heli karin xogta rasmiga ah.

Xaaladda deegaannada Sabiib iyo Caanoole oo hoos yimaada degmada Afgooye ayaa weli kacsan, maadama dhinacyada weli dagaalamayaan.

Deegaannada Sabiib iyo Caanoole oo ku yaalla goob istraatiiji ah ayaa dhawaan waxaa dagaal kula wareegay ciidanka dowladda iyo kuwa AUSSOM.

Dagaalkii hore ayaa waxaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, iyada oo Uganda sheegtay in toddobo askari ugu geeriyoodeen.

Mustaqbal

MM News

Recent Posts

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

12 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

14 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

17 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

17 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

19 hours ago

Trump oo shaaciyay Dalal uu sheegay in ay ka codsadeen joojinta dagaalka ka dhanka ah Iiraan

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…

19 hours ago