Waxaa ku dhowaad 3 sano kaddib dib u billowday duullimaadkii tooska ahaa ee Garoonka Diyaaradaha Khartuum ee Dalka Suudaan kaddib markii ay saamayn taban ku reebeen dagaalladii sokeeye ee dalkaas uu galay.
Duullimaadkii ugu horreeyay oo ka kicitimay Magaalada Port Sudan oo dowladda maamulka gacanta haatan ku haysa ku shaqeyneysay muddo kooban ayay kasoo duushay waana Sudan Air oo Khartuum cagaha dhigatay.
Guushii Ciidamada Maamulka Militariga ah ee golaha uu hoggaamiyo Cabdifitaax Alburhaan ka gaareen Kooxda Gurmadka degdega ah ee RSF ee garabka ka heleysay Dalka Isutagga Imaaraatka Carabta waxa ay keentay isbaddel cusub.
Dadka Suudaan ayaa soo dhaweeyay tallaabooyinka togan ee sida isdaba joogga ah ay u wadaan Ciidamada Dalkaas ee guusha ka gaaray Kooxda RSF, waxaa dib boorka looga jafay howlihii muhiimka ahaa sida in ay Dowladdu dib ugu laabatay Caasimadda.
Mustaqbal
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…