GUDAHA/wararka

Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay tillaabada Faransiiska ku aqoonsayo Falastiin

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay go’aanka Faransiiska ku aqoonsanayo shacabka iyo dowladda Falastiin, tillaabadaasi oo Mareykanka iyo Israa’iil ka caroodeen.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Shacabka Falastiiniyiinta xaq u leeyihiin dowlad madaxbanaan si waafaqsan shuruucda caalamiga ah iyo qaraarrada Qaramada Midoobay.

“Dowladda Soomaaliya waxay u aragtaa go’aanka Faransiiska mid geesinimo leh oo kusoo beegmaya xilli ku habboon, isagoo ka qeyb qaadanaya Nabadda Caalamka” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka Dowladda.

Sidoo kale, Soomaaliya ayaa tilmaamtay in ay garab taagan tahay shacabka Falastiiniyiinta oo muddo dheer wajahaya dagaalka iyo weerarada Israa’iil.

Tillaabada Faransiiska ku aqoonsanayo shacabkaasi ayaa waxaa ka hor yimid Mareykanka iyo Israa’iil oo xulafo dhow ah.

Faransiiska ayaa noqonaya mid kamid ah dalalka reer galbeedka ee jabiyay go’aanka in aan la aqoonsan Falastiin.

Inkastoo in ka badan 142 dal oo ka mid ah 193-ka waddan ee xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ay aqoonsadeen ama ay wadaan qorshaha, haddana dalalka awoodda leh sida Maraykanka, UK iyo Jarmalka ayaa weli ka caga-jiidaya.

Hoos ka akhriso Bayaanka Dowladda Soomaaliya oo ku qoran Ingiriis.

Mustaqbal

 

 

 

 

 

MM News

Recent Posts

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

5 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

8 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

10 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

11 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

12 hours ago

Trump oo shaaciyay Dalal uu sheegay in ay ka codsadeen joojinta dagaalka ka dhanka ah Iiraan

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…

12 hours ago