GUDAHA/wararka

Dowladda Liibiya oo billaawday howlgallo ay ku masaafurineyso Soomaalida ka tahriibeysa dalkaasi

Dowladda Liibiya ayaa shaacisay in ay dalkeeda ka soo masaafurisay muhaajiriin Soomaali ah oo doonayay in ay u sii gudbaan qaaradda Yurub, iyagoo maraya dhinaca Badda.

Hay’adda La-dagaallanka Socdaalka Sharci-darrada ah ee dalka Liibiya ayaa sheegtay in masaafurinta dadkaan Soomaalida ah loo maray amar maxkamadeed, iyagoo lagu eedeynayo in ay ku xad gudbeen sharciga dalkaasi.

War-saxaafadeed ay hay’addu soo saartay ayaa lagu sheegay in dadka la masaafuriyay ay ku xirnaayeen xarunta lagu hayo muhaajiriinta ee Bariga magaalada Tripoli, iyadoo lagu soo celiyay Soomaaliya.

“Dadkaan waxaan baarnay Dukumeentiyadooda annagoo arragnay in ay sharci darro ku joogeen Liibiya” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka Hay’adda La-dagaallanka Socdaalka Sharci-darrada ah ee dalka Liibiya.

Hay’addu waxay sidoo kale xaqiijisay in howlgallada masaafurinta ay sii socon doonaan.

Boqolaal Muhaajiriin ah oo ay ku jiraan Soomaali Muhaajiriin ah ayaa u safra dalka Liibiya, si uu marin ugu noqdo Socdaalkooda Qaaradda Yurub.

Sidoo kale, Howlgalladan ayaa ku soo aadaya xilli 167 muwaadiniin Soomaaliyeed ah dib loogu soo celiyay dalka, kuwaasi oo hore ugu xirnaa Xabsiyada dalka Liibiya.

Mustaqbal

 

 

 

MM Staff

Recent Posts

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

10 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

13 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

15 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

16 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

17 hours ago

Trump oo shaaciyay Dalal uu sheegay in ay ka codsadeen joojinta dagaalka ka dhanka ah Iiraan

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…

17 hours ago