Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta aqalka martida ee Magaalada Kismaayo ku qaabilay Safiirka Dowlada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Kate Foster oo booqasho ku timid Jubaland.
Kulanka Madaxweynaha iyo Safiirka Boqortooyada UK u fadhiya Soomaaliya ayaa diiradda lagu saaray tageerada Dowlada Ingiriiska ee dhinacyada kala duwan gaar ahaan sidii xal waara loogu heli lahaa musiibooyinka soo noqnoqda iyo nabadgalyada. Sida lagu yiri qoraal ka soo baxya Madaxtooyada Jubbaland.
Dhanka kale Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam iyo Safiirka Dowlada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Kate Foster ayaa sidoo kale isku soo hadal qaaday sidii Dowladda Ingiriiska ay u bilaabi lahayd mashariic hormarineed iyo tageero dhinacayada kala duwan ah oo ay ka fulin doonto Jubaland.
Ugu dambeyn Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa ku bogaadiyay Danjire Kate Foster kaalinta ay Dolwadda Ingriiska ku leedahay Dowlad dhiska Soomaaliya iyo sida ay ugu qeyb qaadato Amniga.
Mustaqbal
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furaya shirweynaha 1aad Badaha Soomaaliya oo…
Magaalada Zawiya ee qiyaastii 45ta Kiilo-mitir dhinaca Galbeed uga beegan Caasimadda Liibiya ee Tripoli waxaa…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay tallaabooyinka Amni, Dib u dhis…
Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…