Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa lagu wadaa in Maanta oo Axad ah in ay ka dhacdo doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka Galmudug,taas oo ay u sharaxan yihiin ilaa 9 musharax.
Guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad Goboleedka Galmudug Dr Maxamed Nuur Gacal ayaa Xildhibannada Galmudug u sheegay in maanta ay dhaceyso doorashadaas,waxaana maagalada Dhuusamareeb ka socda qaban qaabada Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka Galmudug.
Musharixiinta Madaxweynaha Galmudug ku tartamaya oo gaaraya Afar ayaa waxaa ay kala yiiin, Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor), Cabdiraxman Axmed Sabriye,Axmed Shire Maxamed (falagle), Axmed Cabdullaahi Samater.
Sidoo kale 5 Musharax ayaa u taagan qabashada xilka Madaxweyne kuxigeenka Galmudug,kuwaas oo lagu kaal Magacaabo, Cali Daahir Ciid, Axmed Yuusuf Warsame (Taajir), Saadaq Cabdullaahi Xaashi, Maxamed Xaashi Cabdi (Carabeey) iyo Cabdi Qani Sheekh Cali Diini.
Magaaladda Dhuusamareeb ayaa amaankeeda aad loo adkeeyay waxaana wadooyinka Magaaladda la soo dhigay Ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga dalka iyo AMISOM gaar ahaan kuwa ka socda dalka Jabuuti oo mudooyinkaan dambe ku sugnaa Xarunta Maamulka Galmudug.
Doorashada maanta ka dhaceysa Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa taageersan dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.
Doorashadan oo lagu waday in ay dhacdo 30kii bishii la soo dhaafay ayaa dib loo dhigay kaddib khilaaf xooggan oo soo kala dhexgalay Ahlu Sunna iyo Dowladda Federaaqlka ah.
Hayeeshee Ahlu Sunna ayaa Madaxweyne ku dooratay Dhuusamareeb, halka Xaaf uu Gaalkacyo kaga dhawaaqay in uu yahay Madaxweynaha Galmudug.
Doorashada Maanta ayaa loo arkaa mid ay qabaneyso dowladda Federaalka ah maaddaama dhinaca Ahlu Sunna ee heshiiska horay ula galay islamarkaana ay wada dhisteen Baarlamaanka ay isaga baxeen,sidoo kale Musharixiinta Qaarkood diideen in ay ka qayb galaan doorashada Madaxtinimada Maamulka Galmudug.
Dowladda Uganda ayaa xirtay Peter Elwelu oo hore u soo noqday taliye ku-xigeenkii Ciidanka Difaaca…
Hoggaamiyaha Maamulka Koofur Galbeed, Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo xilka hoggaamiye ee maamulkaas haya 146…
Ciidanka Uganda ee jooga Soomaaliya ayaa billaabay inay si tartiib-tartiib ah uga baxaan Dalka si…
War kasoo baxay Jaamacadda Carabta ayaa lagu cambaareeyay faragalinta Israa'iil ay ku hayso Soomaaliya kaddib…
Wasiirka Gaashaandhigga Hindiya, Rajnath Singh ayaa sheegay in howlgal ay si wadajir ah u fuliyeen…
Dhallinyaro Soomaali ah oo Dalka Liibiya u tagay in ay uga sii tahriibaan Qaaradda Yurub…