Khudbaddii ugu dambaysay ee Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump uu jeediyay waxa uu si weyn ugu weeraray nidaamka Doorashada Dalkiisa, Madaxdii ka horreysay, Warbaahnta iyo Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha.
Madaxweyne Donald Trump ayaa bannaanka keenay eedeymo culus oo ka dhan ah Hab maamulka Doorashadii dhacday 2020 ee uu uga adkaaday Joe Biden, waxa uu shaaciyay in natiijada laga weeciyay dhankiisa inkasta oo uusan soo bandhigin caddaymo.
Donald Trump ayaa dhaleeceeyay Joe Biden iyo Barack Obama oo labaduba katirsan Xisbiga Dimuqraadiga, waxaa intaasi u dheer dhaliil uu u jeediyay Warbaahinta aanay dhankiisa u janjeerin iyo Dowladda Shiinaha oo xifaaltan dalkiisa kula jiro.
Maraykanka waxa uu bisha November uu galayaa doorashada Dhexe ee dalkaas, Donald Trump oo qaadanaya muddo xileedkiisa ugu dambeeya ayaa dareemaya culays xooggan oo dhinaca Dimuqraadiga uga imaanaya iyo xubno katirsan xisbigiisa.
Sababta culayskaas keentay waa in uu dhumiyay kalsoonida Dadkiisa maadaama uu ku guuldaraystay dagaalka ka dhanka ah Iiraan, dhaqaalaha xad-dhaafka ah uu ku bixiyay meelo laga maarmi karay iyo awoodda Dowladda uu albaabka usoo xirtay.
Horay waxa uu Donald Trump u qaaday tallaabooyin uu ku muujinayo in uu mar saddexaad xilka Madaxweynaha Maraykanka raadiyo iyada oo Dastuurka Dalkaas uu arrintaas reebayo balse qaabka uu ku gaari karo la hordhigay gidaar adag oo aan si fudud looga gudbi Karin.
Mustaqbal
Madaxweynaha Suuriya, Ahmed al-Sharaa, ayaa shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la…
Fadhi aan caadi ahayn oo ay maanta magaalada Laascaanood ku yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad goboleedka…
Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Dr Badr Abdelatty ayaa markale ku celiyay in Dowladdiisa ay garab…
Sida ay ku warrantay Warbaahinta ku hadasha Afka Maamulka Israa’iil, waxaa maalmo dheeraad ah lagu…
Magaalooyinka Muqdisho, Addis Ababa iyo Kampala waxaa ka socda shirar looga hadlayo Mustaqbalka Howlgalka Midowga…
Ciyaaryahanka u dhashay Dalka Spain kuna guullaystay Koobka Adduunka 2026 ee lagu magacaabo Marc Cucurella…