GUDAHA/wararka

Diblumaasi ka tirsanaa Safaaradda Sweden ee Soomaaliya oo dalka laga eryay

Wargeyska Global Bar Magazine, oo fadhigiisu yahay magaalada Stockholm, ayaa daabacay warbixin uu ka soo xigtay ilo Soomaali ah oo aan la magacaabin, taas oo sheegaysa in dowladda Soomaaliya ay dalka ka eriday Anna Saleem Högberg, oo ahayd qunsul iyo la-taliye sare oo u qaabilsan dowladda Sweden arrimaha iskaashiga horumarineed ee Soomaaliya.

Warbixinta uu faafiyey wargeysku waxa ay iftiimisay in go’aanka lagu gaaray bishii Maarso ee sanadkan, iyadoo Högberg loo aqoonsaday persona non grata—taasoo ka dhigan in aan dalka laga rabin.

Sida laga soo xigtay ilo xog-ogaal ah oo la hadlay wargeyska, sababta cayrinta ayaa lagu sheegay “xiriir aan wanaagsanayn” oo ka dhexeeyey Högberg iyo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre.

Warbixintu waxa kale oo ay xustay in Högberg lagu eedeeyey “inay sumcad-dil ku samaysay dowladda Soomaaliya.”  wallow aan la faahfaahin.

Inkasta oo aysan dowladaha Soomaaliya iyo Sweden toona si rasmi ah u xaqiijin warkan, tallaabadan ayaa loo arkaa mid muujinaysa khilaaf diblomaasiyadeed oo dhaawici kara xiriirka labada dal.

Mustaqbal

 

MM Staff

Recent Posts

Sheekh Xasiina oo ku dhawaaqday inay ku laabanayso Bangladesh inkastoo dil lagu xukumay

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Bangladesh, Sheekh Xasiina, ayaa shaaca ka qaadday inay dalkeeda dib…

8 hours ago

Maxay ka wada hadleen Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Pakistan?

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa kulan gaar ah maanta la yeeshay Ra’iisul…

10 hours ago

Jabuuti oo sheegtay in ay ciidamadeeda sii joogi doonaan gudaha Soomaaliya

Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in ay diirada saareyso dagaalka ka dhanka ah As, iyadoo qeyb…

13 hours ago

Maamulka Jubbaland oo cambaareeyay colaadaha sokeeye ee Puntland kasoo ifbaxday

Maamulka Jubbaland ayaa war kasoo saaray dagaalkii saakay ka dhacay Bariga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka…

14 hours ago

DFS oo sheegtay in ay Warshado waa weyn ka hirgelinayso Degmada Balcad

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Warshado waa weyn oo kaalin muhiim ah ka qaata…

15 hours ago

Soomaaliya oo Itoobiya uga tacsiyaysay Dadkii ku dhintay Roobka ka da’ay Gobolka Amxaarada

War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dowladda…

15 hours ago