GUDAHA/wararka

Amniga magaalada Laascaanood iyo deegaannada hoos yimaada oo la adkeeyay

Waxaa la adkeeyay Amniga guud ee deegaannada Maamulka SSC Khaatumo, gaar ahaan Caasimadda Laascaanood, iyada oo la kordhiyay goobaha lagu hubiyo gaadiidka ee bannaanbka magaalada.

Dhawaan waxaa kulan looga hadlay Amniga guddoomiyay Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali, waxaana ka soo qeyb galay Guddiga Amniga ee Golaha Wasiirrada iyo Taliska Ciidanka Booliska Maamulka SSC-Khaatumo.

Ugu horrayn Guddiga iyo Taliska ayaa ka warbixiyey amniga guud ee deegaanada SSC iyo horumarka ay ka sameeyeen sugidda amniga, hirgelinta xasilloonida, ka hortagga fal-dambiyeedyada iyo ladagaalanka maandooriyaha. Iyagoona sidoo kale xusay in Ciidamada Booliska, Xasilinta iyo nabad-sugiddu ay hawlgalo joogto ah ka wadaan guud ahaan gobollada Maamulka SSC-Khaatumo.

Hoggaamiyaha ayaa faray Guddiga Amniga ee Golaha wasiirrada iyo Taliska Ciidanka Booliska dadaalka xaqiijinta amniga deegaanka isaga oona ballan-qaaday in ay ka xukuumad ahaan ka go’an tahay kor-uqaadista iyo tayayna hay’adaha amniga ee Maamulka si kor loogu qaado Amniga.

Adkeynta Amniga magaalada Laascaanood iyo deegaannada hoos yimaada ayaa ku soo aadeysa xilli warar soo baxayay ay sheegayeen in Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre safar ku tagayo deegaannada SSC-Khaatumo.

Mustaqbal

MM News

Recent Posts

Dadka Qasa oo maanta Salaada Janaasada ku tukuday 112 ruux oo 3 sano ka dib la helay Meydadkooda

Magaalada Qasa waxay saaka marti galisay aaska iyo janaasada in ka badan 100 ruux oo…

46 mins ago

DFS oo dhammaadka sannadkan soo bandhigeysa Natiijada rasmiga ah ee qodida Shidaalka Ceelka Curad 1

Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed, ayaa xaqiijiyay in…

1 hour ago

MW Xasan Sheekh “Soomaaliya waxa ay u furan tahay in la Maalgashado”

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay u furan tahay…

6 hours ago

Turkiga oo Soomaaliya keenaya Maraakiib Kalluumaysi

Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş oo ka hadlay Shirweynaha 1aad ee Badaha Soomaaliya ayaa…

7 hours ago

MW Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta furaya Shirweynaha Badaha Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furaya shirweynaha 1aad Badaha Soomaaliya oo…

8 hours ago

Kooxo hubaysan oo ku dagaalamay mid kamid ah Xarumaha Shidaalka ee Liibiya

Magaalada Zawiya ee qiyaastii 45ta Kiilo-mitir dhinaca Galbeed uga beegan Caasimadda Liibiya ee Tripoli waxaa…

9 hours ago