GUDAHA/wararka

Dhul gariir cabirkiisu gaaraya 7.7 Magnitude oo ku dhuftay Myanmar, Thailand, Bangladesh & China

Dhul gariir xooggan oo lagu sheegay in uu cabirkiisu gaarayo 7.7 Magnitude ayaa ku dhuftay Dalal badan oo dhaca Qaaradda Aasiya sida Myanmar, Thailand, Bangladesh & Shiinaha, waxaa ka dhashay dhimasho, dhaawac iyo burbur hanti.

Boqolaal ruux ayaa ku xayiran dhismo ku burburay dhul gariirkaas, kooxaha gurmadka degdega ah ayaa kusoo warramay in adeegga caafimaad ee la heli meelaha qaar uu aad u liito, taasina ay muujineyso cabsida laga qabo khasaaraha sii kordhi kara.

Xubin kamid ah shaqaalaha gurmadka degdega ah ayaa sheegay in magaalooyinka qaar isu socodkooda uu go’ay kaddib markii dhul go’aas uu dhibaato gaarsiiyay waddooyinkii muhiimka ahaa sidaas awgeed cabsi dhinaca socodka ay timid.

Meelo badan oo kamid ah dhulka diiwaanka Hay’adda UNESCO ku jira ayaa burbur xooggan ka jira gaar ahaan meelihii la isku sawiri jiray ee astaamaha caanka u ah Dalalka Myanmar iyo Thailand sida ay sheegeen ilo kala duwan.

Magaalada Boqortooyada ee Duudiistaha ku badan yahay, boqolaal ruux ayaa ku xayiran, waxaa la raadinayaa dhabbihii lagu soo badbaadin lahaa si aanay ugu dhiman maadaama la damiyay korontadii sida wararku sheegayaan.

La soco wixii kasoo kordha

Mustaqbal

MM Editor

Recent Posts

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

8 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

10 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

13 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

13 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

15 hours ago

Trump oo shaaciyay Dalal uu sheegay in ay ka codsadeen joojinta dagaalka ka dhanka ah Iiraan

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…

15 hours ago