Wararka naga soo gaaraya gobolka Sanaag ayaa sheegaya in shil gaari oo sababay dhimasho iyo dhaawac uu maanta ka dhacay deegaanka Cowsane, sida ay goob joogeyaal xaqiijiyeen.
Gaariga oo ahaa nuuca Baska ayaa waxaa la socday Ciyaartoy ka yimid magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, iyagoo ku sii jeeday magaalada Badhan ee gobolka Sanaag.
Inta la xaqiijiyay hal ruux ayaa ku geeriyooday, halka shan kalena ay ku dhaawacmeen kuwaasi oo lagu dabiibayo xarruumaha caafimaadka ee Badhan.
Citaartoyda shilka gashay ayaa ka tirsan Kooxda GTTS oo ka dhisan magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.
Ilaa hadda si rasmi ah looma sheegin sababta keentay shilka gaariga, balse inta shilalka nuucaan ah ayaa ka dhaca deegaannada gobolka Sanaag, iyadoo loo sababeeyo xowliga ay darawalada ku wadaan gaadiidka.
Mustaqbal
Shiinaha ayaa mar kale muujiyay taageerada uu u hayo ilaalinta midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed…
Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa joojiyay lacag dhan $100 oo Xildhibaannada looga jari…
Dowladda Turkiga ayaa qorsheyneysa in sannadka soo socda 2027 ay Soomaaliya ka dirto Dayax gacmeed…
Kooxaha Burcad Badeedda Soomaalida ayaa sii daayay Markab u afduubnaa sida ay ku warrameen ilo…
Alper Aktaş oo ahaa Danjirihii Turkiga ee Soomaaliya 2024 ilaa 2026 ayaa laga sagootiyay Magaalada…
15ka xubnood ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa u codeeyay qaraar lagu waqti dheereynayo…