GUDAHA/wararka

DFS, QM, Midowga Afrika & Dalalka qaybta ka ah howlgalka AUSSOM oo kawada hadlaya qorshaha howlgalkaas

Waxaa lagu howlan yahay qabanqaabada shir ay isugu imaanayaan wakiilo ka kala socda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo Dalalka ciidamadooda qaybta ka noqonayaan howlgalka cusub ee AUSSOM.

Sida ay muujinayaan xogaha ay heleyso Mustaqbal, kulamadaan waxaa la qorsheeyay in ay billawdaan kahor inta aan la gaarin bartamaha Bishaan si waqti hore loo saldhigo tallaabooyinka looga baahan yahay howlgalkaan baddelaya kan ATMIS.

Codsiyo ay soo gudbiyeen Dalal cusub oo damacsan in ay qayb ka noqdaan howlgalkaan ayaa miiska saaran, waxaa kale oo laga doodayaa sida ay u wada shaqeyn karaan ciidamadaan si loo xaqiijiyo ujeedka ugu weyn ee howlgalka AUSSOM.

Lataliyaha dhinaca Amniga ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka, Xuseen Sheekh Cali ayaa muddooyinkii dambe kulamo gaar gaar ah iyo kuwo guud la qaadanayay wakiilo ka kala socda Qaramada Midoobay & Midowga Afrika si salka loogu dhigo howlgalkaan cusub.

AUSSOM waxaa howlgal ka duwanaan doonna ATMIS iyo AMISOM, Ciidamo kooban ayaa la shaqeynaya Ciidamada Dowladda Federaalka si loo xaqiijiyo guulaha muhiimka ah ee laga gaari karo xoojinta Amniga & in Ciidanka Soomaalida Mustaqbalka dhow si buuxda ula wareegaan mas’uuliyadda Amniga Dalkooda.

Soomaaliya weli waxa ay ku dhigen tahay mowqifkii ay ka qaadatay Itoobiya maadaama Xukuumadda Addis Ababa ay ku xadgudubtay Madaxbannaanida, Wadajirta iyo Midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa uu qorshuhu yahay in laga saaro howlgalka cusub ee AUSSOM.

Mustaqbal

MM Editor

Recent Posts

MW Xasan Sheekh “Soomaaliya waxa ay u furan tahay in la Maalgashado”

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay u furan tahay…

4 hours ago

Turkiga oo Soomaaliya keenaya Maraakiib Kalluumaysi

Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş oo ka hadlay Shirweynaha 1aad ee Badaha Soomaaliya ayaa…

4 hours ago

MW Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta furaya Shirweynaha Badaha Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furaya shirweynaha 1aad Badaha Soomaaliya oo…

6 hours ago

Kooxo hubaysan oo ku dagaalamay mid kamid ah Xarumaha Shidaalka ee Liibiya

Magaalada Zawiya ee qiyaastii 45ta Kiilo-mitir dhinaca Galbeed uga beegan Caasimadda Liibiya ee Tripoli waxaa…

6 hours ago

RW Xamsa oo bogaadiyay isbaddelka uu sameeyay Maamulka Waqooyi Bari

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay tallaabooyinka Amni, Dib u dhis…

7 hours ago

Kenya oo kordhinaysa Ciidamada ka jooga deegaannada xiga Soomaaliya

Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…

21 hours ago