GUDAHA/wararka

DFS oo sheegtay in dhammaadka 2025-ka la soo gabagabeyn doono shaqada baarista ceelasha shidaalka

Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Federaalka  Soomaaliya ayaa sheegtay in dhammaadka sanadkan la soo gabagabeyn doono shaqada baarista ceelasha shidaalka ee dowladda Turkiga ka waddo Soomaaliya.

Shirka Golaha Wasiirrada ee maanta uu shirguddoomiyey Wasiirka koowaad ee Xukuumadda Xamsa Cabdi Barre ayaa Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta, looga dhagaystay warbixin ku saabsan halka ay marayaan howlaha shidaal baarista ee socda iyo caqabadaha jira.

Wasaaradda ayaa shirka Golaha Wasiirrada ka caddeysay in ka hor dhammaadka sanadkan la soo gabagabeyn doono shaqada baarista ee loo yaqaan (3D Seismic Survey), si loo cayimo goobaha shidaalku ceegaago, looguna gudbo heerka xiga ee qodaalka ceelasha shidaalka.

Markab laga leeyahay dalka Turkiga oo lagu magacaabo Oruc Reis, ayaa ku soo xirtay dekedda Muqdisho bishii Oktoobar ee sanadkii na soo dhaafay, ka dib waxa uu loo galbiyey dhankaas iyo xeebaha maamulka Galmudug, halkaas oo howshiisa sahaminta shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee xeebaha Soomaaliya ka billaabay.

Markabkaan oo kamid ah Maraakiibta casriga ah ee Turkidu sameysteen ayaa la sameeyay sanadkii 2017, waxa uu kaalin firfircoon ka qaadan doona sidii Soomaaliya uga faa’iideysan lahayd shidaalka, kaas oo la sheegay in uu kaalin wanaagsan ka qaadan doona haddii la soo saaro koboca dhaqaalaha dalka.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

MW Xasan Sheekh “Soomaaliya waxa ay u furan tahay in la Maalgashado”

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay u furan tahay…

2 hours ago

Turkiga oo Soomaaliya keenaya Maraakiib Kalluumaysi

Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş oo ka hadlay Shirweynaha 1aad ee Badaha Soomaaliya ayaa…

2 hours ago

MW Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta furaya Shirweynaha Badaha Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furaya shirweynaha 1aad Badaha Soomaaliya oo…

4 hours ago

Kooxo hubaysan oo ku dagaalamay mid kamid ah Xarumaha Shidaalka ee Liibiya

Magaalada Zawiya ee qiyaastii 45ta Kiilo-mitir dhinaca Galbeed uga beegan Caasimadda Liibiya ee Tripoli waxaa…

4 hours ago

RW Xamsa oo bogaadiyay isbaddelka uu sameeyay Maamulka Waqooyi Bari

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay tallaabooyinka Amni, Dib u dhis…

5 hours ago

Kenya oo kordhinaysa Ciidamada ka jooga deegaannada xiga Soomaaliya

Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…

19 hours ago