Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saxiixday mashruuca lagu dhisayo waddo dhirirkeedu dhan yahay 45 kiilo mitir oo laga hirgelinayo Magaalada Hargaysa ee Gobolka Waqooyi Galbeed taasi oo qayb ka ah mashaariic kala duwan oo Dowladdu heshay.
Wasiirka Howlaha Guud, Dib U Dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Ayuub Ismaaciil oo maanta Warbaahinta kula hadlay Muqdisho isaga oo saxiixayay heshiiskaas waxa uu bogaadiyay howlaha dib u dhiska Dalka.
Ayuub Ismaaciil ayaa tilmaamay in howlaha dib u dhiska Dalka ay yihiin kuwo muhiim ah sidaas awgeed la gaarsiin doonno guud ahaan Gobollada Dalka iyada oo la dhisayo waddooyin, Buundooyin & biyo mareenno casri ah.
Dowladda Federaalka Soomaaliya oo laga gacansiinayo hirgelinta Mashaariic kala duwan waxaa la gaarsiinayaa gobollada Dalka iyada oo guud ahaan lacagta ku baxaysa ay dhan tahay $245 Milyan oo Doollar sida uu sheegay Wasiir Ayuub Ismaaciil.
Mustaqbal
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta khudbad uu jeediyay kaga hadlay xaaladda guud ee dalka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa isbeddel ku sameeyay hoggaanka Ciidanka Xoogga Dalka…
Dowladda Soomaaliya ayaa maanta degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool kula la wareegtay 220 Askari oo…
Ciidamada Militeriga Soomaaliya gaar ahaan kumaandooska Danab ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgallo ka wada…
Shirkadaha Korontada ee Magaalada Muqdisho ayaa ku dhawaaqay in ay kordhiyeen qiimaha ay ku dhuftaan…
Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo furay kalfadhiga 59aad ee Golaha Wakiillada Maamulkaas ayaa…