Xubno kamid ah Golaha Wasiirrada Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa yeeshay kulan looga hadlay dib u dhiska buundooyinka Sabiib iyo Bariire oo go’ay hal bil ka hor.
Kulanka ayaa waxaa guddoomiyay Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Ayuub Ismaaciil Yuusuf, iyadoo uu ka qeyb galay Wasirka Wasaaradda Beeraha XFS, Maxamed Xayri Maareeye iyo mas’uuliyiin kale.
Shirkaan ayaa lagu falanqeeyay caqabadaha hor taagan dib u dhiska buundooyinka Sabiib iyo Bariire ee gobolka Shabeellada Hoose oo muhiim u ah isku socodka dadweynaha gaar ahaan beeraleyda.
Wasiir Maareeye ayaa dul istaagey dhibta ka taagan wadada gaar ahaan in loo baahan yahay dayactir iyo dhismo, si beeraleyda u helaan goob ay soo mariyaan wax soo saarkooda.
Dhawaan ayaa la filayaa in laguda galo howlaha dhismaha boondooyinkan oo inta aysan burburin la xarig jaray dhammaadkii bishii December ee sannadkii hore 2025.
Dhismaha buundadaan ayaa markii hore waxaa iska kaashaday Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga, iyadoo ay xarig jareen mas’uuliyiin ka kala socday labada dal.
Mustaqbal
Madaxweynaha Suuriya, Ahmed al-Sharaa, ayaa shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la…
Fadhi aan caadi ahayn oo ay maanta magaalada Laascaanood ku yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad goboleedka…
Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Dr Badr Abdelatty ayaa markale ku celiyay in Dowladdiisa ay garab…
Sida ay ku warrantay Warbaahinta ku hadasha Afka Maamulka Israa’iil, waxaa maalmo dheeraad ah lagu…
Magaalooyinka Muqdisho, Addis Ababa iyo Kampala waxaa ka socda shirar looga hadlayo Mustaqbalka Howlgalka Midowga…
Ciyaaryahanka u dhashay Dalka Spain kuna guullaystay Koobka Adduunka 2026 ee lagu magacaabo Marc Cucurella…