Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cambaaraysay weerarro ka dhacay Gobolka Zamfara ee Nigeria oo ay ku dhinteen in ka badan 50 qof oo rayid ah isla markaana lagu afduubtay Haween iyo Carruur sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan.
Soomaaliya ayaa garab istaag u samaysay dhiggeeda Nigeria iyada oo sheegtay in ay cambaaraynayso falalkaas oo ka dhan ah bani aadamnimada, dadka dhaawacmay ayay u rajaysay caafimaad halka kuwa la qafaashayna ay u rajaysay in ay dib xorriyaddooda u helaan.
“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay ku baaqeysaa in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo sii daayo dhammaan dadka la afduubtay, waxayna taageeraysaa dadaallada ay Nigeria ku doonayso in caddaaladda la horkeeno kuwii falalkan geystay” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Sidoo kale waxaa dhacdadaan cambaareeyay Midowga Afrika, waxa uu soo jeediyay in si wadajir ah loogu istaago kahortagga halista kusii kordhaysa dalka Nigeria si loo badbaadiyo Dadka ka badqaba dhibaatooyinkaas kuwa lamidka ah.
Mustaqbal
Lula da Silva oo ah Madaxweynaha Brazil ayaa ku guullaystay markale xilkaas kaddib markii uu…
Ismaamulka Gaarisa waxaa ka dhacay Qarax Miino oo galaaftay Nolosha labo carruur oo la sheegay…
Maleeshiyaadka Cabdicasiis Laftagareen ayaa saaka weeraray Saldhig Ciidanka Maamulka Koofur Galbeed ay ku leeyihiin duleedka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Shacabka iyo Siyaasiyiinta ugu baaqay in ay…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta khudbad uu jeediyay kaga hadlay xaaladda guud ee dalka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa isbeddel ku sameeyay hoggaanka Ciidanka Xoogga Dalka…