Danjiraha Turkiga ee Somaliya oo ballanqaaday xoojinta xiriirka labada dal

Danjiraha cusub ee Dowladda Turkiga dhawaan u soo magacawday Soomaaliya  Mehmet Yilmaz,ayaa ballan qaaday in uu ka shaqeynayo xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Turkiga sidii uu u xoogeysan lahaa.

Waxaa uu sheegay in Dadka Turkiga iyo Dadka Soomaaliya ay yihiin dad walaalo ah inta uu xafiiska joogana uu ka shaqeyn doono sidii uu u sii horumarin lahaa xiriirka labada shacab iyo labada dowladood dan toodana ka shaqeyn doono.

Mehmet Yilmaz,ayaa warqadaha aqoonsiga danjiranimo waxaa shalay ka guddoomay Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo ku qaabilay Xarunta Wasaaradda arrimaha dibadda ee Muqdisho.

Yilmaz ayaa beddelay Olgen Baker oo muddo ka badan afar Sano Safiir u ahaa Turkiga,kaas oo wax badan ka qabtay xiriirka iyo taageerada Turkiga ee Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa u mahad celiyay Dowladda Turkiga iyo taageeradeeda Soomaaliya,waxaa kale oo uu guul u rajeeyay danjiraha cusub.

Mustaqbal media

Recent Posts

MW Xasan Sheekh “Soomaaliya waxa ay u furan tahay in la Maalgashado”

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay u furan tahay…

1 hour ago

Turkiga oo Soomaaliya keenaya Maraakiib Kalluumaysi

Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş oo ka hadlay Shirweynaha 1aad ee Badaha Soomaaliya ayaa…

2 hours ago

MW Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta furaya Shirweynaha Badaha Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furaya shirweynaha 1aad Badaha Soomaaliya oo…

3 hours ago

Kooxo hubaysan oo ku dagaalamay mid kamid ah Xarumaha Shidaalka ee Liibiya

Magaalada Zawiya ee qiyaastii 45ta Kiilo-mitir dhinaca Galbeed uga beegan Caasimadda Liibiya ee Tripoli waxaa…

4 hours ago

RW Xamsa oo bogaadiyay isbaddelka uu sameeyay Maamulka Waqooyi Bari

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay tallaabooyinka Amni, Dib u dhis…

4 hours ago

Kenya oo kordhinaysa Ciidamada ka jooga deegaannada xiga Soomaaliya

Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…

18 hours ago