GUDAHA/wararka

Dadkii ka barakacay magaalada Beledxaawo dib ugu soo laabtay

Magaalada Beledxaawo waxaa dib ugu soo laabtay dadkii shacabka ahaa ee ka barakacay dagaalkii ku dhexmaray ciidanka dowladda Federaalka iyo kuwa Jubbaland.

Boqolaal shacab ah ayaa saacadihii la soo dhaafay ka soo gudbay xadka Mandheera, halkaasi oo ay maalmihii la soo dhaafay uga qaxeen dagaalka Beledxaawo.

Dhinaca kale, Saraakiisha ciidanka ee uu hoggaamiyo Taliyaha NISA ee gobolka Gedo, Cabdirashiid Janan ayaa kulamo gaar gaar ah la yeeshay qeybaha kala duwan ee bulshada iyo ciidanka amniga.

Kulamada ayaa looga hadlay adkeynta amniga guud ee magaalada Beledxaawo iyo gobolka Gedo, si dowladda Federaalka u gaarsiiso adeegyada bulshada.

Dadka rayidka ah ayaa soo dhaweeyay ciidanka dowladda ee la wareegay magaalada Beledxaawo, iyaga oo tilmaamay in ay la shaqeyn doonaan.

Maalmihii la soo dhaafay waxaa xiisad ka taagneyd gobolka Gedo, taasi oo u dhaxeysay ciidanka dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad goboleedka Jubbaland.

Mustaqbal

MM News

Recent Posts

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

10 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

13 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

15 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

16 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

17 hours ago

Trump oo shaaciyay Dalal uu sheegay in ay ka codsadeen joojinta dagaalka ka dhanka ah Iiraan

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…

17 hours ago